Dumarka gudaha Somalia ku nool iyo astaamaha ay ragga ku xushaan(Astaamo Cajiib ah)

    21
    0
    SHARE

    Gabdhaha Soomaalida ayaad moodaa in ay badanaa ka siman yihiin dhanka dooqa iyo xulashada seygooda mustaqbalka, waxaase si gooni ah hamigoodu u badan yahay kuwa gudaha Somalia ku nool, kuwaasoo lagu tilmaamo in dooqoodu yahay mid aad u adag oo aysan jirin niman kasoo bixi karo.
    Xiiso.com oo xog wareysi la yeelatay gabdho dhowr ah oo ku nool gudaha Somalia, iyo sidoo kale wiilal ayaa soo aruurisay arimaha ugu badan ee gabdhahaasi ay tilmaameen in ay ku xushaan ragga ay jecel yihiin in ay shukaansadaan.
    1- nin hanti leh
    2- nin qurux badan
    3- nin aqoon leh
    4- nin wadaad ah
    5- nin calool da’ yar
    6- nin yurub ama mareykan ka yimid
    Arinka ugu yaabka badan ayaase ah in gabdhahani ay intooda badan doonayaan in ninku uu yeesho dhamaan astaamaha kor ku xusan, taasoo ka dhigan mustaxiil iyo waxaan inta badan macquul aheyn.
    Arintaan ayaana sababtay in dhalin yaro badan oo gudaha Soomaaliya ku nool ay waayaan gabdho ay shukaansadaan ama u haasaawa tagaan, ayadoo qaarkood dantu ay ku qasabtay in ay iska dhigaan qurba joog dalka dib ugusoo laabatay.

    Leave a Reply