Duqeyn Culus oo xalay lagu garaacay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo xili halkaasi wali joogaan Marti sharaf kala duwan

    38
    0
    SHARE

    Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xalay weerar Culus oo Madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Qeybo badan oo katirsan Magaalada Kismaayo gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada iyo Jaamacada Kismaayo.

    Duqeynta xalay Al-Shabaab ku garaaceen Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay aheed mid aad u cusleed oo laga maqlayay inta badan magaalada , Ciidamada Jubba iyo kuwa Kuwa AMISOM ayaa iyana Madaafiic culus ku ja waabay.

    Wariye kusugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Madaafiicda Shabaab ku garaaceen Magaalada Kismaayo si gaar ah loola bartilmaameedsanayay Xarunta Madaxtooyada iyo Jaamacada Kismaayo halkaas ay dagan yihiin Masuuliyiin katirsan Maamulka Jubba iyo Marti sharaf kala duwan oo dhawaan Magaaladaasi gaaray.

    Wali lama oga qasaaraha ka dhashay Duqeynta Culus ee AL-Shabaab xalay ku garaaceen Magaalada Kismaayo , Weerarkan ayaana imaanaya xili Maamulka Jubba ku hanjabeen in dhawaan qaadi doonaan Weerar Al-Shabaab kaga saarayaan Deegaanada Maamulkaasi.

    Leave a Reply