FAAHFAAHIN: Xog dheeraad ah oo ka soo baxday qaabka loo fuliyay qaraxyadii Baladweyne

    23
    0
    SHARE

    Sida ay Warkii.com u sheegeen dad goob joogayaal ah waxaa fiidkii xalay qaraxyo isdaba joog ahaa ay ka dhaceen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya.

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka ay wax uga dhaceen Baladweyne, hasa ahaatee warar madax bannaan ayaa sheegaya in labo nin oo waxyaabaha qarxa watay ay ku qarxeen iyagoo waddo maraya.

    Waxaa jira war kaasi khilaafsan oo sheegaya in raga qarxay ay miino la kacday, taasoo goobta ku diyaarsaneyd ama iyagu ay diyaarinayeen.

    Howl-gal isla goobta hadda ka billowday waxaa lagu qabtay labo wiil oo dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in weerarka ay wax ka ogaayeen, ama ay ka tirsanyihiin Xarakada Al-Shabaab.

    Taliyaha booliska B/weyne Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sheegay in xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne lagu qabtay labada ruux ee Al shabaab katirsanaa islamarkaana intii saldhiga loo waday ay ismiidaamiyeen.

    Wixii soo kordha kala soco

     

    Leave a Reply