Farxiya Fiska “Ma Jecli Heesaha Muuqaalka Balse Danaa igu qasabaysa ….” (Warbixin dheer)

    9
    0
    SHARE

    Fanaanada caanka ah ee Farxiya Fiska oo lagu qiyaaso in ay ugu taageerayaal badan tahay fanaaniinta laga daba dhacay waayadaan danbe ee soomaalida ayaa la soo ogaaday in aysan jecleen marnaba heesaha Muuqaalada ah halka hablaha kale ee Fanka ku jira ay mar walba soo saaraan heeso muuqaal ah oo isugu jira kuwa ay iyaga leeyihiin iyo kuwa ay soo xadeen intaba.

    Mar ay dhawaan ka hadleeysay xaflad aroos ah oo lagu casuumay fanaada farxiya fiska ayaa waxay sheegatay in marnaba aysan maanka ku haynin ayna jecleen heesaha muqaalada ah ay qaaado balse ay jirta arimo ku qasba inay so bandhigta heesa aan mustaqbalkeeda danbe u wanagsaneyn iyado xustay in xiligii is caanbixinta oo ay qaadi jirtay heesaha jirkeeda qaawanyahay maanta laga gudbay.

    Hadaba fanaanada Farxiya Fiska ayaa Muuqaal ahaan loo arkaa xiliyada Munaasabadaha ee sanadka Cusub ama Ciidaha oo ay ka soo muuqato Barnaamijka lagu qabto Talefishinada Soomaalida ee ku yaala Magaalada London Waxaana Badanka Heesaha Muuqaalka ah ee ay soo saartayna waxaa laga qabtay habeenadaasi oo ma jiraan ama way ku yaryihiin muuqaallo aanan waqtiyadaasi la qaban marka laga reebo xiliyada farxadeeda oo la shaaciyay inay tamashleyn darteed uso badhigta muqaal jirkeeda qeeymo kamid ah ay muuqanayaan.

    Ha yeshee fanaanada Farxiya Fiska ayaaTaageerayaasheeda ku dooda in Farxiya ay ka gudubtay xiligii magac raadinta oo ay so bandhigi jirtay muqaalo aan wanagsaneyn oo fadeexada iyo cey kala kulmi jirtay xili lagu xanto fanaada Farxiyo Fiska inay kaso jeeda qoys wanaagsan horeyna ay ugu so dhaxday bashiir hanuuniyo oo ah fanaana ,abwaan iyo musikista caan ah ,waxana sido kale bashiir hanuuniye ka hor ay u dhaxday nin sheikh ah oo muda xaaskiisa ay aheyd islamrkaane ay ubad uso dhashay haatane ay wehel u tahay fanaanka Ceyruus Halyaya oo xiriir wanagsan uu ka dhexeeyo ayna dhowr mar so bandhigeen heeso ku saabsan jaceylkooda,balse maanta ay mareyso heer abwaaniinta ugu erayada wanaagsan ay la soo raadsadaan in ay ugu luuqeyso iyadoo gurigeeda fadhisa kadibna Tv yada ugu caansan ama studiyaasha ugu wanaagsan dhinaca duubista ay u tartamaan in ay ku soo duubto halka badanka hablaha kale ay ku rafaadaan sidii ay u heli lahaayeen fursad ay isku soo bandhigaan.

    Inkasto waqtiyan danbe ay jireen warar xan ah oo ku saabsan mustaqbalka fanaanada farxiya fiska oo ku sabsan in fanka ay ka fariisan doonto islamarkane ay noqon doonto bare ama macalin school oo caruurta wax lagu bara ayaa haatan aan wali la shaacin in arintasi ay dhab tahay.

    Lakin qaar ka mid ah taageerayaasheeda ayaa iyana qaba in Fanaanada ay isla weyn tahay ama ay jirto waxyaabo kale oo ay ku mashquulsan tahay oo u diidaya in ay hesho waqti ay ku sameyso heeso muuqaal ah si ay fankeeda usii hormariso.

    Ugu danbeeyntii Fanaanada Farxiya Fiska ayaa taageerayasheeda Waxay ugu baaqeen in ay badiso heesaha muuqaalka ah inta la jecel yahay codkeeda, haddii ay sidaan ku sii socotona ay suuragal tahay in taageerada ay kala laabtaan.

    Leave a Reply