Gabay: Cirjiidh iyo Xalane

Gabay: Cirjiidh iyo Xalane

186
0
SHARE

Cabdiraxmaan Ibraahim Magan oo ku magacdheer Cirjiidh oo in badan qurbaha ku noolaa, dhulkii hooyana aan muddo dheer tagin ayaa dhawaan safar gaaban ku gaadhay degaanka Jubbooyinka Soomaaliya gaar ahaan xarunta Jubbada Dhexe ee Bu’aale. Markii uu dib ugu soo noqday Yurub oo fadhigiisu ahaa, 2dii bishii Jannaayo, 2011ka ayuu jiifto gaaban oo warbixin iyo guubaabo isugu jirta mariyey.  Cirjiidh wuxuu jiiftada u bixiyey Baashir, wuxuuna ku bilaabay:  

Dhalintiyo barbaartaay
oo bari dhawayd
uma bixin bu’aaloo
baabuur Tayoota ah
boodaaya sida haad
uma raacin beelihi

Badhtankeeda dhoobleey
ka billownay socodkee
waxaan sii boqoollaba
buundadii wacnayd iyo
saw maanan marin boga[1]
 
Boqollaal na sugayiyo
saaxiibo badanoon
kala baadnay waayaha
soo bariidadoodii
burburka iyo daalkiyo
bacadkiyo jiidaashii

buskii[2] nama illowsiin
 
Bakaal iyo Bitoow
Ina Boodhle Khayr
Bile iyo Shariif iyo
Santuur boqorki uu dhalay
Buukay iyo Siyaad Gaab
Barre daduu u weyn yahay
iyo qaar kaloo badan
boholyowna loo qabay
saw beeshii kama iman

Barqadii mar ay tahay
illayn waw buseeloo
indhahaw basaasee
canbe iyo babaay iyo

baydaan
[3] caleenliyo

barde midho ku yaaliyo
qare iyo bambeelmiyo
bocorka iyo yaanyada
barwaaqada dhulkeenniyo
beeraha cagaarka leh

soo baashir[4] uma tagin

Wabi baaxad waynoo
ku aroora badahoo
biyahiisa hodanka ah
badarkiyo gallaydiyo
lagu beerto midhahoo
cadow uga baqaynoo
ninba baasha uu rabo

bustaan[5] kaga samaystoo

ku illowsha baahida

saw baarax[6] uma arag

Dhulka meel bannaan
hawd iyo dhulbaadle
buuro iyo taag
balli iyo dhasheeg
booraama goda
raamo iyo bacaad
biddo dibir ahayd
bisiq iyo fullaay
xagar baahsanaha

oombay
[7] bashaqa

bilcil iyo cadaad
tugeer aad u baxay
abaq baalla dheer
iyo qaar kaloo badan
boholyawna loo qabay
soo baarax uma arag

Boodaan[8] iyo aleen[9]

darmad[10] aad u bilan

ibil baarqabba leh
bay iyo caddaan
boore iyo dhiin
baqartii lo’aad
riyo wada bafta ah
ido baanasha leh
ari bananka tuban
geri iyo biciid
cawleey badhya cad
goodir boodda dheer
balanqiyo atoor
farow bowdya weyn
shabeel bara le iyo
baabullaha libaax
shimbir buuba iyo

baaz
[11] iyo gallayr

iyo qaar kaloo badan
boholyowna loo qabay
soo baarax uma arag

Kuwa baylahshee
dibadaha u baxayoow
maad baraarugtaan
basar iyo wax qabad
isu biirsataanoo
baxdintiyo nabraha
dib u baanataanoo
ballan wada gashaanoo
midka aan bislayn
u bayaamisaan

ha u bayl[12] xidhee

Jiiftadaa Cirjiidh ee quruxda badan waxaa saluugay halabuur Xuseen Cabdi Xalane.  Oo muxuu u saluugay? Labo sababood dartood ayuu u saluugay.  Midda hore, Cirjiidh ayuu kala weyn yahay jiiftada oo wuxuu leeyahay gabayaa ayaad tahay, adiga oo dhalin yar ayaana taa laguu qiray ee jiifto daadsan maxaad noogu harraadin? Midda labaad, waxay Xuseen la tahay  degaanka uu Cirjiidh tagay jiiftadana kaga warbixiyey inuu mudan yahay kufna u yahay in gabay uun lagaga warbixiyo.  Aragtidiisa geeraarka, jiiftada, guurowga, saarka, heesaha iyo noocyada la qaafiyadda ah oo dhammi kuma habboona in degaankan lagu tilmaamo.  Mar haddii degaanku taa mudan yahay, Cirjiidhna uu karo inuu gabay wacan mariyo, saw haddaba in lagu qoddeeyo ma aha.  Sidaa awgeed, Xuseen muhindiskii ayuu rogay, wuxuuna 20kii Jannaayo 2011da soo saaray gabaygan hoose.  Wuxuu yidhi:

·         Gabay buu Cirjiidhow ninkii garan higaadshaaye

·         Goob buraanbur laga boodayiyo gawlihiyo saarka

·         Goosgooska iyo jiiftadiyo hees gabdhaa jecele

·         Maandhow gadhkaagiyo cirrada gaartey madaxaaga

·         Adigoo gu’gaa jira haddaad gocotay suugaanta

·         Geddii Raage Gobo’dii Dagiyo gumacyadii Saahid

·         Geesigii Darwiishkiyo sidii gabayadii Hawle

·         Calidhuux gantaalkuu ridayo guba wareeggeedi

·         Garnaqsigi Qamaan iyo Salaan gooddigiyo faanki

·         Heerkaa inaad gaadhey baa igu gullaalayde

·         Geeraarba kaagama fadhiyin waa golmadhantiiye

 

·         Adoo gabana goohaad murtida dunida gaadhsiisey

·         Codkaagii galiilyada badnaa guuxa danankaagii

·         Meeshaan caqliga gaamuriyo gaax ka filanaaye

·         Ma gabaabsibaa maansadii loo gu’ tirinaayey?

·         Gaylabkiyo marbuu hoorka geel godolka diidaaye

·         Ma geddiisii baad tahay maxaa gudhiyey maankaagii?

·         Geedigii Bu’aaliyo tixdaad gelisey e-mailka

·         Geyigaad astaantiisa gaar guud marka u sheegtey

·         Xiisehiisu wuu igu go’naa  gaadhna  waan rabaye

·         Dhulkaasoon gabiib iyo gol iyo geedna la hilmaamin

·         Haddaad gabay ku faalleyn lahayd waan gam’i lahaaye

·         Jiiftadii galooftiyo ahayd hadal ganbooleyda

·         Ima galin farriintii gudhneyd waa gelgelintaase

·         Galaalxoorka maansada intaad dib u guhaadooni

·         Eed gabayadaan kugu aqiin soo geddiyo doonto

·         Geeraar weydiyo haygu gubin, eray aan qaangaadhin   

Gabaygaasi wuxuu Cirjiidh soo gaadhay 25kii Jannaayo ee 2011ka.  Jawaab degdeg ah ayuu ka bixiyey.  Maadaama oo uu Xuseen Cabdi Xalane ka mid yahay Soomaalida faro-ku-tiriska ah ee maanta magaca iyo saamayntaba leh, qoraa iyo abwaan caan ahna yahay,  waxay Cirjiidh la tahay inay ahayd inuu muujiyo kana hadlo abwaanno, halyeeyo gumaysiga la diriray, saaryahanno iyo guurowyahanno degaankan kasoo jeeda balse aan helin fursad lagu ogaysiiyo umadda Soomaaliyeed.  Su’aashu waxay Cirjiidh la tahay ragga gabayga caanka ku ah ee uu Xuseen gabaygiisa ku xusay kuwii aan ka dhicin ee degaanada Godey, Afdheer, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka iyo NFD kasoo jeeday maxaad carrabka u marin wayday?  Sayid Maxamed Cabdille Xasan si sax ah ayaad u xustay waana uu mudan yahay xusitaankaa iyo ka badanba, balse Xaaji Cabdiraxmaan Mursal iyo Deeqow Macallin Sanbul maad Soomaalida intii aan ogayn ogaysiisid?  Geeraarka, jiiftada, heesaha kuwa la nooca ahiba miyaanay badweynta maansada ka mid ahay?  Maxayse  galabsadeen?   
 
Gabay uuu bixiyey Gocasho ayuu mariyey Cirjiidh 26kii Jannaayo 2011ka.  Gabaygiina waa kan:  

Geeraar la qaadiyo tix iyo gabay cod loo yeelo
jiifto iyo hees lagu gam’iyo  gedaha suugaanta
giddigood naxwe iyo waa murtida  gogol dhiggeediiye

Hadba garashadaadiyo  wixii kula gudboonaada
adigoo xilliga guurayiyo hubiyey goobjoogta
mid umbaad go’aan uga dhigtaa gocoshadaadiiye

Dadkuna kala goobogoobo iyo gobollo weeyaane
qolo waliba jiib lagu gartay gees u leedahaye
guuroowga iyo saar maxaad gooni uga yeeshay?
Adigoo abwaan gaamuray iyo guurti u ah beesha
galbeed iyo maxaad hawd dhibcaha gaarka ugu siisay?
D
adna aad gantaalkiyo madfaca ugu garaafaysay?

Godey iyo Afdheer iyo Masliyo gebiyadii Qooxle
Gollihii Cadaadliyo Bankiyo gurada Hawdheere
Gabbal dhinacyadeediyo Surmi iyo gacamadii Diima 
Wabigii Ganaaniyo Jubba iyo godonnadii Waamo
Jabbii gaararkeediyo intii Salagle loo gaadho
Dhulkii aan gallaydiyo nimcada goorna laga waayin 
Goonyaha Bakool iyo Gan iyo Gadiyo Baardheere

Gaashiyo Dhadhaab iyo Gisiyo[13] Dhuujis gudaheeda

iyo Gaarris weyntii nafluhu uu u wada guuray 
Gurigii Kismaayiyo badda iyo Jilib gedaankeeda
Afmadoow garkeediyo Lagtiyo, Taabta gadowgeeda
Geriley dusheediyo Wajeer Xagar gawaankeeda 
Garoonkii Libooyiyo Xayiyo Faafi garabkeeda
Kudhaadaan cagaarkeedu gu’in  gu iyo jiilaalba

Deeqowgii[14] gumaysiga necbaa golihi uu joogay 

Nin gaboodfal qaata iyo halyay  geesi oo dirira
Markii labada goonyood khalqigu uu u kala guulmay

Ilyan[15] meeshi lagu gowraciyo gaasaskii ururay

Haddaad gabay ku faallayn lahayd waan gam’i lahaaye

Gayigeenna oo idil intii magac leh maad goobtid?
Garraax iyo si aan muran lahayn maad garta u qaadid?
Nin waliba siduu wax u gasbaday maan gunno u siinno

 

[1] Boga: magac loola jeedo buundada webiga ee magaalada Bu’aale

 

[2] Buskii; boodhkii

 

[3] Baydaan: magac geed

 

[4] Baashir: si toos ah

 

[5] Bustaan: beer ama aseendo

 

[6] Baarax: dhib la’aan

[7] Oombay: geed badhi leh oo geelu cuno

[8] Boodaan: Koor weyn oo geela loo xidho

[9] Aleen: koor yar oo geela loo xidho

 

[10] Darmad: koor meel dhexaad ah

 

[11] Baaz: gallaydh, maddad

[12] Bayl: suun

 

[13] Gisi: War Gisi; tuulo u dhaxaysa Dhadhaab iyo Kullan

 

[14] Deeqow: Deeqow Macallin Sanbul

 

[15] Ilyan: Francis Elliot; Kornayl ingiriis ah, oo ay Sarinley ku dileen ciidamadii gumaysi diidka

 

 ahaa ee uu horkacayey Xaaji Cabdiraxmaan Mursal. The Sack of Serenli On 2 February 1916, the disaster that British officials had feared would one day happen in the NFD occurred in neighboring Jubaland… halkaa ka raadqaad.

 

Leave a Reply