Sunday, September 24th, 2017

GEERARO JACEYL OO ISKA SOO HORJEEDA (DAADIS IYO DAJIN ).

Published on February 6, 2017 by   ·   No Comments

Yasirlaki.wordpress.com oo joogto inoo ahaan doono ayaan jecleysanay in aan kusoo qaadano laba geerar oo gaagaaban oo daadis iyo dajin ah waxaana inoo soo gudbiyey abwaan Cabaas Abu Aryan oo ah abwaan da’ yar oo ku nool dalka London hadaba ka bogasho wacan.

inkastood baryaha qaar

qurux aad laheeydoo

qalbigeeygu kula jiray

haatan qeema beeshee

waxaan qaadir kuuqorin

looma qoomamoodoo

qasab lagu madoonee

qonyor soco talaabada

anaa qalad sameeyoo

qeerkeey kumoodoo

qosol kugu jeclaadee

uma qalantid caashaqa

Sidoo kale abwaanka Muscab Amar daadiska ah ayey ka codsatay shabakada Yasirlaki.wordpress.com in uu inoo raaciyo. Mid jaceyl xambaarsan si hablaha ka caroodo daadiska ay ugu yara dagaan waxa uuna inoo raaciyey tixdan gaaban

qalanjadii haweenkee

qiimaha badneeydey

qurux loodhameeyaay

qabyo laga ilaalshaay

qaaliyeey waxaatahay

midaan qalad xumaan iyo

qalooc laheeynoo

qaadir iigu gargaaree

qumantaan jeclaayeey intaan. qaabilaadiyo qurus raadinaayaa

qurbo ila fogaadee

qaadir heesku keensimo.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK