General Cali Gaab “Ciidamada AMISOM Gaariga Ay Shilka Ku geeysteen Xabsi ayaan...

General Cali Gaab “Ciidamada AMISOM Gaariga Ay Shilka Ku geeysteen Xabsi ayaan geeynay”

39
0
SHARE

Taliyaha Ciidamada Taraafikada ee dowladda Soomaaliya Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa goordhaw xiriir aan la sameynay inoo sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaari ay lahaayeen ciidamada AMISOM oo qof Soomaali ah ku dilay maanta wedamada Maka Al Mukarama.

“Gaariga waan soo qabanay, waxaana ay isku dayeen in ay naga baxsadaan balse waan qabanay, gaarina waa naga jabiyeen, hadana inaga ayaa gacanta ku heyna Maydka Muwadinka Soomaaliyeed iyo gaariga AMISOM, baaritaan ayaana socda, madaxda dowladda ayaana arintaan la kaashaneynaa” Sidaas waxaa yiri Cali gaab.

Saaka ayeey aheyd markii ciidamada AMISOM ay qof shacab ah ku jireen wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana marwalba sidaan udhaca falalka gaadiidka AMISOM ay ku dadar siiyaan dadka Shacabka ah.

Leave a Reply