Gudoomiye waaxeed lagu dilay Dharkinley.

Gudoomiye waaxeed lagu dilay Dharkinley.

24
0
SHARE

Gudooyaha waaxda labaad ee degmada Dharkinley Cali Xuseen Cismaan oo loo yaqaan Cali Iley ayaa goor dhow lagu Dhimashotoogtay gudaha degmadaasi.

 

War ay heshay idaacadda Alfurqaan oo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in rag hubeysan ay Cali Iley rasaas ku fureen iyagoo goobta isaga tegay kadib markii ay geeri ku hubsadeen.

Nawaaxiga xarunta degmada ayaa la sheegay inuu dilku ka dhacay daqiiqado ka hor iyadoo aanay jirin wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay maamulka degmadaasi.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay beegsiga ciidamada dowladda iyo madaxda maamullada degmooyinka magaalada iyadoo amaanku yahay mid halis ah.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa howgalladooda Muqdisho ay ka wadaan waxay inta badan diiradda ku saaraan saraakiisha sirdoonka dowladda iyo ciidamada iyo weliba maamulllada gobolka taasi oo cuuryaamisay hanaanka horu socodka dowladda federaalka

Leave a Reply