Saturday, November 18th, 2017

HANTI DHOWRAHA “MA JIRTO HANTI QARAN OO LA BOOBAYO XILIGA KALA GUURKA”..

Published on January 21, 2017 by   ·   No Comments

Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in aysan jiri doonin Hanti Qaran oo looga faa’iideysto xiliga dalku uu ku jiro kala guurka, wuxuuna tilmaamay xafiiskiisa inuu ka war haayo Hantida Qaranka oo dhan.

“waxaan u xaqiijinaynaa Shacabka Soomaaliyeed inaysan jirin Hanti Qaranku uu leeyay oo la boobayo xiligaan dalku uu ku jiro kala guurka, waxaan lee nahay xafiis gaar ah oo arrimahaasi si dhow ula socda.”..

Nuur Faarax ayaa dhanka kale ugu baaqay madaxda dowladda iyo ciidamada Qaranka oo dhan inay la shaqeeyaan Xafiiska Hanti Dhowrka maadaama ay masuuliyad ka wada saran tahay Hantida Qaranka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK