Hay’adda UNCHR oo sheegtay in wali dhibaato ka jiro Soomaaliya

Hay’adda UNCHR oo sheegtay in wali dhibaato ka jiro Soomaaliya

79
0
SHARE

War-qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga,waxaa caalamka lugu farray in la soo dhaweeyo shacabka Soomaaliya oo ay hay’addu sheegtay in wali dalkooda dhibaato ka taagan tahay.

Hay’adda sidoo kale dalalka caalamka  waxaa ay u sheegtay inay muhiim u tahay dhowrista shacabka Soomaaliya,isla markaana magan-galyo  la siiyo dadka iyagu ka soo caraaray koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

UNCHR waxaa ay ku cel celisay inay jiraan wali dhibaatooyin iyo dagaalo ka taagan gobollada dalka Soomaaliya qaarkood, loona baahan yahay in la tixgeliyo lana difaaco qaxootiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegeysa in xaaladda amni ee goobaha qaar ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay tahay mid hagaasan, balse ay jiraan isku dhacyo hubeysan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, taas oo UNHCR ay sheegtay in dad badan oo Soomaali ah ay ku khasbeyso in ay dalka ka cararaan.

War-saxaafaddedka ka soo baxay hay’adda sidoo kale waxaa lugu soo qaaday inan si qasab ah dadka Soomaalida ah dalkooda loogu celin karin ilaa laga islaaxiyo ammaan xumada ka jirta.

“Waxaan ka dalbaneynaa dhamaan wadamada marki geliyay dadkaasi inay qasab dadka ku celin, iskantoo amaanka la hormariyay qeybo kamid ah koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, hadana isku dhacyada ciidamada ayaa socda”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay UNHCR.

Qoraalka UNCHR,waxaa uu imaanaya xilli malaayin Soomaali ah ay ku dayacanyihiin wadamada caalamka,halka sidoo kale dalka dariska la’ah Soomaaliya ee Kenya ay ku adkeysanayo inay dib u celinayso qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku sugan.

Leave a Reply