Heshiis qodobo badan ka kooban oo ay ku heshiiyeen Maamulo Qabiileedka Galmudug...

Heshiis qodobo badan ka kooban oo ay ku heshiiyeen Maamulo Qabiileedka Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb

39
0
SHARE

Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo muddo laba cisho ah uu shir uga socday magaalada Gaalkacyo ayaa waxay gaareen heshiis is-afgarad ah kaas oo ka kooban 11 qodob, waxaana qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac ka mid haa in deg deg loo bilaabo qorshaha maamul u sameynta gobolada dhexe, isla markaasna gogosha lagu unkayo dhismaha maamulkaasi lagu dhisayo la dhigo magaalada Cadaado ee xarunta u ah Ximan iyo Xeeb.

Kulanka labada cisho socday oo ay ka qeybgaleen madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cabdisamad Nuur Guuleed, madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Cali Maxamed Baarleex, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo odayaal-dhaqameed ka soo jeeda labada dhinac ayaa qodobada kale ee laga soosaaray waxaa kamid ahaa. In si dhab ah loo billaabo dib-u-heshiisiin la dhex-dhigayo shacabka labada maamul, lana adeegsado qeybaha kala duwan ee bulshada iyo warbaahinta.

In la abuuro jawi nabadeed, isla markaana xiriir nabadgeliyo ay la sameystaan maamullada iyo dowladaha dariska ah, si dambiilaha uusan u helin meel uu ku gambado, inay xaqooda ay weydiistaan dowladda dhexe oo ay ku jirto taakuleynta hay’adaha amniga, arrimaha bulshada iyo horumarinta, in la abuuro is dhexgal labada bulshada sida ganacsiga, cayaaraha, dhaqanka iyo ururada haweenka, in labada dhinac ay isku meel uga soo wada jeestaan waxkasta oo nabadgalyadooda carqalad ku noqonkara iyo qodobo kale.

Leave a Reply