Hormuud Telecom Foundation oo bilowday Mashruuca Afurinta Bukaanada ku jira Isbitaalada Muqdisho

    12
    0
    SHARE

    Hay’adda Samafalka ee Hormuud Telecom Foundation ayaa iyadoo taageera maaliyadeed ka heleysa shirkadda isgaarsiinta Hormuud waxay fulisay mashruuc lagu afurinayo dhamaan Bukaanada ku jira Isbitaalada danta guud ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

    Mashruucan oo si isku mid looga fuliyey Isbitaalada ugu waaweyn Magaalada sida Madiina, Banaadir, Keysaney & Dayniile ayaa waxaa ka faa’iideystay in kabadan 800 oo bukaan jiif ah oo qaba dhaawacyo & xanuunno kale, iyadoo qof kasta oo bukaanka ka mid ah laguddoonsiiyey $100 (boqol dollar).

    Maamulaha Hey’adda Hormuud Telecom Foundation C/llaahi Nuur Cismaan oo ka hadlay Xaflad ay uga talo qaadanayeen Agaasimayaasha isbitaalada laga fuliyey mashruuca afurinta Bukaanada ayaa sheegay in ay Hey’addu ay ku bixineyso howshan lacag dhan 1,536,000,000 Sh.so.

    Madaxa caafimaadka ee Isbitaalka Madina Drs. Duniyo Cali Maxamed oo ka mid aheyd Masuuliyiintii kasoctay Isbitaalada Danta Guud ee Muqdisho ayaa tilmaantay in Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay haatan gacata kuheyso qeybo kamid ah isbitaalka ayna dhismayaal ka dhiseen Isbitaalka, waxay muujisay sida ay ugu faraxsantahay Mashruucan iyadoo uga mahad celisay Hey’adda Hormuud Telecom Foundation

    Hey’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa wadda tallaabooyin xariir ah oo ay afurin ugu sameysayso Dadka dan yarta ah, Bukaanada & qaar ka mid ah Agoonta Bisha barakeysan ee Ramadaan.

    Leave a Reply