Hub iyo agab kale oo laga soo qabtey al-Shabaab ayaa Bosaso lagu...

Hub iyo agab kale oo laga soo qabtey al-Shabaab ayaa Bosaso lagu soo bandhigey

13
0
SHARE

Dowladda Puntland ayaa maanta soo bandhigtay agabyo kala duwan ay sheegtay in ay kusoo qabatay dagaalkii shalay ka dhacay buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed iyo Taliye kuxigeenka Booliska Gen. Muxyadiin Axmed Muuse ayaa Saxaafadda magaalada Bosaaso ugu soo bandhigay agab isku jiray rasaas, gumucyada qoryaha culus, Dawooyin, raashin, Soolarada qoraxda lagu dabeeyo, qalab laga sameeyo walxaha qarxa sida miinada iyo maryo ay ku qoranyihin astaanta caanka ku yihin Ururka Al-Shabaab.

Wasiir kuxigeenka Amniga ayaa sheegay in agabkaan kusoo qabteen mid kamid ah Saldhigyada Al-Shabaab ku lahaayeen buuralayda Galgala oo ay Ciidanku weerareen kadib markii ay ka war heleen in ay isku uruursanayaan.

Taliye kuxigeenka Booliska ayaa isna Saxaafadda u sheegay in ay xoojin doonaan ammaanka oo ay ka hortegayaan cid walba oo liddi ku ah nabadgalyada.

Si kastaba, ma ahaan markii u horeysay Ciidamada Puntland soo bandhigaan hub iyo agab kale ay kasoo qabteen kooxda ay kula dagaalamayaan Buuralayda Galgala.

Dhegayso Shir saxaafadeed ay wada jir u qabteen Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdi-Jamaal iyo Taliyexigeenka Booliska Col.Muxtyadiin gacamey

Leave a Reply