Itoobiya iyo Somaliland oo sheegay inay qabteen sarkaal horey uga tirsanaa Al-shabaab...

Itoobiya iyo Somaliland oo sheegay inay qabteen sarkaal horey uga tirsanaa Al-shabaab iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

35
0
SHARE

Ciidamada amniga maamulka Somaliland oo ay taageerayaan cutubyo ka tirsan sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay inay doraad qabteen kadibna xabsiga u taxaabeen sarkaale sare oo horay uga tirsanaan jiray Al-shabaab oo ka dagaalanta qaybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Howlgalka lagu soo xiray Cabdulaahi Maxamed Axmed oo ku magac dheeraa Carabey ayaa ka dhacay xaafadda Hidh-Hidh oo ka tirsan degmada Widh-Widh ee gobolka Togdheer kuna dhow xadka maamulkaas uu la wadaago Itoobiya.

Maamulka Somaliland ayaan wax war ah soo saarin xariga sarkaalkan oo la sheegay in sirdoonka itoobiya ay gacan kasiiyeen ,waxaana la sheegay in hadda la geeyey sarkaalkaasi magaalada hargeysa oo lagu xiray ,lamana oga in halkaasi lagu siihaynayo iyo inay itoobiya oo sirdoonkoodu ku taageeray qabashada sarkaalkaasi loo gudbin doono.

Ugu danbayntii dowladda Itoobiya ayaa aad u adkaysay xadka ay Somaliya la wadagaan, iyagoo ka cabsi qaba weeraro gudaha dalka laga fuliyo kadib markii dowladaha ku yaalla geeska Afrika looga digay weerraro halis ah oo ku soo fool leh.

Leave a Reply