Jen. Max’ed Nuur Galaal oo dhaliilay heshiis dowlada Somalia la gashay shirkad ilaalineysa xeebaha dalka

    9
    0
    SHARE

    Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidanka XDS ayaa dhaliilay heshiis dowlada Soomaaliya Shirkad laga leeyahay dalka Holand oo loo xil-saaray ilaalinta xeebaha dalka Soomaaliya.

    Isagoo wareysi siinayay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa Jen. Galaal waxaa uu ku tilmaamay heshiiskaas mid dhibaato ku ah qaranimada dalka.

    “Ciidamada Badda Soomaaliyed waxay lahaayeen lix saldhig, Xeebaha Soomaaliya ma ilaali karto Shirkad mana buuxi karto shirkadani kaalintii ciidamada badda, dalka waxaa xeebihiisa ilaali kara dowlad awood leh oo Soomaaliya. dowladu go’aanka ay qaadatay waa mid qaldan” ayuu intaa ku daray Jen. Galaal.

    Jen. Galaal ayaa sheegay in ilaalinta xeebaha loo baahan yahay in loo adeegsado Dayuurado, Maraakiib, Raadeero iyo qalab casri ah, kuwasoo uu sheegay in shirkad noocan ah aysan la imaan Karin.

    “Arintaasi waa xaqiiqo Dowladu maxay heshiis ula geli weysay dowladaha waaweyn ee taageera. Waxaa wax jira ah inaan la dooneyn in dalku nabad helo Haddii Soomaaliya Horumar lala doonayo maxaa loogu ogolaan waayay in dowlad awood leh ay kaalmeyso dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidankeeda Badda?” ayuu intaa ku daray Jen.Galaal

    Dowlada Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Holand taasoo ilaalin doonta xeebaha dalka Soomaaliya iyadoo dowladu sheegtay inshirkadan ay wax badan ka qaban doonto ilaalinta badaha Soomaaliya iyo tababarida ciidanka badda dowlada oo hadda hadda maraya heer bilow ah.

    Xigasho: Dayniile.com

    Leave a Reply