Jhon McCain: ” Calanka Alqaacidda Ee Falluujah ka babanaya waxay ceeb ku...

Jhon McCain: ” Calanka Alqaacidda Ee Falluujah ka babanaya waxay ceeb ku tahay Mareykanka”. (Daawo)

25
0
SHARE

Senator Jhon McCain oo ka tirsan Aqalka Congereska ee dalka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay Ciidamada Mujaahidiinta Dowladda islaamiga ah Ciraaq iyo Shaam ee muddada labada bilood ku dhow maamulaya magaalada Falluujah ee dalka Ciraaq.

Jhon McCain waxa uu sheegay inuu niyad jab xooggan ka qaaday in tobon sano kadib oo Askar farabadan oo Mareykan ah ay ku dhinteen magaaladaas in maanta ay kusoo laabato gacanta Ururka Alqaacidda.

” Waa musiibo weyn in meel ay ku dhinteen 96 Askari oo Mareykan ah, 600 oo kalena ay ku dhaawacmeen inay ku dhacdo gacanta Alqaacidda,maanta waxaan aragnaa Calamada Alqaacidda oo ka dul babanaya magaalada Falluujah, maxaan u sheegi doonaa qoysaska Askartaas, soo dhiigooda ciyaar kuma daadan” ayuu yiri MacCain.

Leave a Reply