KACDOONADA KA JIRA DALALKA ISLAAMKA IYO DAAWENTOODA Qormadii Axmed xarawo

    13
    0
    SHARE

    Aan si kooban u soo qaadano qudbadii Abuubakar Al-sadiiq Illaahay raali ha ka noqdee, waxuu yidhi:

     

    Waxa ayaamahan socda kacdoono weji badan oo dalalka Islaamka ka aloosan. Waxa lagu soo koobi karaa inay waxa keliya ee ay ka siman yihiin tahay inay kala xidhiidh furteen shacbigii iyo xukaamti. Lamana wadaagaayo oo masuuliyadda waxa leh inta talada haysa, iyagaa u cumaamadan inay dadka soo dhoweeyaan soona xero geliyaan kuna dhaqaan nidaam daah-furan ooy hoggaaminayso caddaalad loo siman yahay kheyraadka iyo manaasibta.

    Waa in dadku ku qancaa cidda xilka loo dhiibaayo, ruuxa Alle guddoonsiiyey inyuu hoggaamiye noqdaa waa inuu ummadda u xulaa mas’uuliin aqoon u leh xilkey qabanayaan , akhlaaq u leh mansabka ay hayaan, ku dhaqma cadaalad iyo ixtiraam ay u hayaan dadweynaha. Waa inay noqdaan kuwo u dhego furan bulsha weynta, qaata talooyinka. Waa inay noqdaan sidii asxaabta kuwo u gurmada ruuxa dulman, soo dhoweeya faqiirka ka hor taajirka, kan itaalka daran ka hore kan hooga weyne, ka xanuunsanaaya ka hor kan caafimaadka qaba. Sifooyinkaas oo dhammaan ahaa kuwii ay ku dhaqmi jireen xukaamtii hore kolka Islaamku ahaa kan ugu xooga weyn dunida.

    Kolkii sifooyinkaasi daciifeen, ayaa awoodda Islaamku bilowday inay laciifto, ilaa ay soo gaadhay heerka ay manta marayso. Waxaana la yaab leh in dalalka aynu ku sheegno gaaladu yihiin kuwa ku dhaqma sifooyinkaas waana sababta iyana ay ku horumareen inana aynu ku hadhnay. Guushu waxay ku jirta kolka hoggaanku noqdo mid wata ummadiisa kuna kasba wax qabad salkiisu yahay daacadnimo iyo cadaalad.

     

    Haddaba bal aan raadraac taariikheed ku laabano iyo xiliyadii hore. Inta badan aadmigu ma raacin dariiqa toosan, Waxayna noqdeen dar shaydaan iyo kibir xaqa ka indho-saabo. Waxaana marwalba meel walba ka bilaabmay dagaal oogayaal midiidin ka dhega shacbigooda, oo maal iyo moodba badheedh u xalaashada. Waxa bilaabmay nidaamka dagaal oogaha oo xoogaysatay deedna isu rogay boqortooyooyin hab dhaqankoodu ka fogeyn kii dagaal oogaha.Waa astaamihii Islaamka ka hore jiray, waxaabad se moodaa in sawirkaasi yahay kan dhabta ah ee maanta ka jira meelo badan oo dunida ah.

     

    Halgankii taariikhda aadmiga oo dhabadaas holaca iyo dulmigu jiifo soo martay, waxa in badan samo-talisku sameeyey kacdoon ay ku doonayaan samatabixin iyo hab nolaleed nabad iyo cadaalad dhalin kara. Waxa leysku raacsan yahay in kolka laga yimaado nabiyadii Illaahay soo diray, in dawladdii islaamka ee Khulafada afarta ah ee Abuubakar ugu horreeyey, ay tahay dawladdii ugu horreysay ee muujisay mas’uuliyadda iyo inay horseedo danaha guud ee dadweynaha. Waxa hore u jirtay in maamul magaalooyin ka tirsan Griigii hore iyo Romankii ay xiliyada qaar hab sifaahaas oo kale lihi ka dhashay, ma se ay noqon mid dal dhan ka hirgashay.

     

    Haddaan mataal gaaban u soo qaadano nidaamkii uu Abuubakar unkay, waxa aan cidi ka murmeen inuu noqday Hogaamiye dawladeed, kii ugu horreeyey ee mushar go,an loo sarjaro, iyadoo taasi ayna ka badnayn mid u dhiganta oon dhaafsanayn nolasha danyartu ku nooshay, mid aan qarsoonayn oo cid waliba ogeed, uuna u jaray ninka u qaabilsanaa maaliyadda oo hayn jiray Maamulaha Baytul maalka, malaha haddana noqonaaya Wasiirka Maaliyadda.

     

    Bal u fiirso xukaamta maanta een la aqoon mushaharkooda, cidina ayna u goyn ee iyagu waxay doonaan qaata, qaybiya, guba, siiya , daadiya marba siday la noqoto ugu tagrifala.

    Beytal Maalku waxuu ahaa hay’ad madaxbanaan oon hoggamiyahu marna farogelin ku sameyn Karin. Khulafadu marna mey ahayn kuwa si toos ah uga mas’uul ah maamulka maaliyadda.  Lacagta dawladda waxaan mushaharkiisa ahayn Abubakar gacantiisa ma soo geli jirin. Sidoo kale ayey raaceen khulafadii ka dambeysay.

     

    Waxa dhacday in Abubakar xaaskiisu xoogaa lacag ah oo ay uruurisay si ay maalin u cunaan cunta macaan oo dhadhan leh, ayey lacagtii u dhiibtay Abubakar oo ku tidha macmacaan inoogu soo iibi… Abubakar waxuu ugu jawaabay…” Waa lacag dheeraad inagu ah”, waxuuna u celiyey Batul Maalkii Muslimiinta isagoon dhanna eegin. Yacnii waxaan ahayn quudka uu cuno askarigu muu ahayn mid uu u  arko inuu xaq u leeyahay. Waxuu aaminsanaa inay xumaan iyo axmaqnimo tahay nin dhergaaya dadkiisuna baahan yahay.

     

    Dhacdo kale Cumar Bin Khadaab ayaa salaad Jimce ka yare habsaamay…kolkuu soo gaadhay ayuu ku yidhi asxaabti” Iga raali ahaada go’ keliya ayaan leeyahay oo kaas ayaan maydhaayey…”

    Dhinaca u naxa maatida iyo ka warhaynta inta baahan. Waxa markhaati ka ah sida habeenkii uu Cumar u dul meeri jiray meelaha danyartu gasho si uu u maqlo cabashadooda iyo taaha gaajo amba xanuun. Habeen ayuu ku soo baxay taanbuug nin dusha ka joogo haweynayna gudihiis taah la reemayso. Cumar ayaa ninkii weydiiyey xaalkiisa..ninkuna si adag ayuu ugu jawaabay. Cumar ma dhibsan ee waxuu si qabow u weydiiyey waa intaas oo uu wax ka qabtaaye inuu uga waramo dhibta haweynada haysa. Kolkuu u sheegay inay foolanayso, ayuu Cumar dhinacii gurigiisa u kacay deedna uu soo kaxeeyey xaaskiisii si ay uga caawiso dhalmada haweynayda.

     

    Kolka ay Amu-Kaltoum ku mashquulsanayd umusha, Cumar waxuu karinaayey cunto ay cunaan umusha iyo ninkeedu…cabaar dabadeed ayey Amu Kalthoum dhawaaqday iyadoo Cumar ugu yeedhaysa Amiirul Muuminiin…UGU BUSHAAREE SAAXIIBKAA INUU WIIL U DHASHAY… waxuu ninki la yaabay magaca Amiir Almuuminiin..koluu ogaaday inuu Cumar yahay ayey ilmo indhiisa buuxisay…sidaysay ahayd xukun wanaagu..kibir la’aan, naxariis iyo dulqaad…Lacag iyo raaxo sidaas ayey ka ahaayeen…xukunkoodu waxuu gaadhsiisanaa dalalka Carabta oo dhan bariga ilaa Shiinaha, badhtamka Yurub, iyo dhul weynka India.

     

    Bal ila eeg dhacdo kale. Waxa la yidhi Abubakar ayaa nin saxaabi ah u cadhooday, kolkaas ayuu ku yidhi erey xun. Ereygii kolkuu afkiisa ka soo baxay, ayuu Abuubakar qoomameeyey. Waa se erey afka ka soo baxay oo cidi ma celin karto…Abuubakar, waxuu saxaabigii ka dalbay inuu ereygii ku soo celiyo oo uu ku yidhaahdo…Wuu diiday saxaabigii..Abuubakar wuu baryey, oo uu baryey…saxaabigii oo la soo taagan waan ku saamaxay, ayuu haddana intaas ka jeclaa inuu ka goosto..
    .
    Dhinaca mabda’a la tashiga oo ah sifaha waxa maanta lagu sheego hab-maamul-wanaaga waa mid la dhashay Islaamka. Waxa xiligaas jiray nidaamka dhaxaltooyada ee boqorada, haddaba Rasuulkeena Maxamed SCWS, ma marin tubtaas, ee waxuu uga tegay in si wado tashi ah ay asxaabtiisu ku doortaan cidda hoggaanka islaamka qabanaysa. Dareenka Abuubakar ee mas’uuliyadda, waxa laga dheehan karaa qudbadda taariikhiga ah ee uu akhriyey, kolkii xilka loo dhiibay. Taas oo noqotay middii ugu horreysay ee nin madaxi dadkiisa u muujiyo in xilka ay iyagu u dhiibeen, iyaga u hayo, iyaguna ka qaadi karaan.

     

    Aan si kooban u soo qaadano qudbadii Abuubakar Al-sadiiq Illaahay raali ha ka noqdee, waxuu yidhi:

     

    ” Dadweynow idinkaa i doortay oo Madaxdiina iga dhigay, inkasta oo aanaan ka fiicnayn mid qudha oo idinka mid ah. Haddaan wanaag sameeyo i taageera, haddaan qaldamo i toosiya. I maqla, runtu waa daacadnimo, beentuna waa daacad-darro.
    Dhankeyga ka idiinku itaalka yar ayaa ugu itaal roon, ilaa inta aan xaqiisa siinaayo. Kan idiinku xoogga badan, dhankeyga ayaa ugu itaal yar ilaa inta aan ka qadaayo xaqa cid kale leedahay.
    Haddii laga leexdo addeeca iyo tubta Eebbe, waxaa Illaahay innagu soo dejin doonaa dhib iyo fool xumo. Haddii dadku noqdo qaar xumaan falga caadaysta, waxa innagu soo degi doonta dhib iyo masiibooyin aan laga waaqsan. I adeeca oo i maqla inta aan adeecaayo oon hayo tubta Illaahay iyo Rasuulkiisa. Haddaan taas ka leexdo I diida oo waxaad xor u tihiin inaydaan i maqlin ina adeecin………”

     

    Waxaynu gelaynaa tobankii habeen ee ugu barakada badan, Alle heyna tuso xaqqa, dhibta iyo amaan darrada ka taagan dunida Islamkana ha ka kor qaado heynaga yeelo kuwa soo celiya karaamadood iyo awoodii Islaamka.

     

    Ahmed Arwo

    La-taliayaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,

    Ganacsiga iyo Maalgashiga

    Leave a Reply