Kenya oo shaacisay iney dhowaan ciidankeeda kala baxeyso magaalada Kismaayo ee gobolka...

Kenya oo shaacisay iney dhowaan ciidankeeda kala baxeyso magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose

35
0
SHARE

Sarkaal u hadlay ciidamada Kenya oo magaciisa la yiraahdo Col. Willy Wesonga ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka dalkaas ee qeybta ka ah AMISOM ay dhowaan ka baxayaan magaalada Kismaayo iyo degaasno kale oo ay kaga sugan yihiin gobolada Jubooyinka.

Col. Willy Wesonga ayaa intaa ku daray in ciidamada Kenya ay amaanka magaalada Kismaayo iyo degaano kale oo ka tirsan Jubooyinka ku wareejin doonaan ciidamada dowlada Sierre-leone ee qaybta ka ah AMISOM.

“Marka ciidamada Kenya ay kismaayo ka soo baxaan waxay tegi doonaan gobolka Gedo oo taliska AMISOM uu u qorsheeyey iney ka howlgalaan, waxaana Kismayo ku hari doona tiro-kooban oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Kenya” ayuu yiri Col. Willy Wesonga.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamada Kenya ay xaqiijiyaan iney ka baxayaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada oo sanado ka hor ay xoog ugala wareegeen xoogagii Al-shabaab ee maamulayey.

Maamulka KMG ah ee Jubba oo xulufo dhow ay yihiin ciidamada Kenya ayaa dhowaan sheegay iney ka xun yihiin ciidamada Kenya iney ka baxaan halkaas, iyagoo magaalada ka dhigay banaanbaxyo ay soo abaabuleen oo lagu taageerayo ciidamada Kenya iney sii joogaan.

Hase ahaatee goor sii horeysay oo sanadkii hore ah ayaa dowladda Soomaaliya dalbatay in ciidamada Kenya laga bedelo magaalada Kismaayo lana geeyo ciidammo isku dhaf ah oo ka socda AMISOM ka dib markii ciidanka Kenya lagu eedeeyay xiligaas inay taageereen mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyo ku dagaalamay Kismaayo.

Leave a Reply