Kooxo hubeysan oo Ganacsade ku weeraray magaalada Kismaayo.

Kooxo hubeysan oo Ganacsade ku weeraray magaalada Kismaayo.

32
0
SHARE

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in magaalada xalay lagu dhaawacay ganacsade magaciisa lagu koobay Cabdi-samir.

Weerarkani lagu dhaawacay ganacsadaha ayaa ka dhacay xaafadda Farjanno ee Kismaayo xili uu gudaha u sii galayay hoyga uu ka deggan yahay magaaladaasi.

Kooxaha weeraray ganacsade Cabdi Samir oo dhaawac u geystay ayaa loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo halkaasoo lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca soo gaaray ganacsadaha uu yahay mid halis ah isla markaana kooxihii fuliyay falkaasi ay isaga baxsadeen goobta.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maalmihii dambe ka soconayay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada.

Leave a Reply