Thursday, February 22nd, 2018

LA OGAADAY: CIIDAMADA SOMALILAND OO KAALIN WEYN KA QAADANAYA DAGAALLADA KA SOCDA SANAAG.

Published on January 24, 2018 by   ·   No Comments

Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa naloo xaqiijiyey in kaalin weyn ay ka qaadanayaan dagaallada xooggan ee ka soconaya deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag, sida deegaanka Ceel Afweyn.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamo Somaliland ah oo hubeysan ay soo xirteen dharka shacabka ah, islamarkaana ay kasoo jeesteen dhanka mid kamid ah beelaha dagaallamayey.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Somaliland ay uga gol leedahay ciidamadan iney ku ciribtirto bel la sheegay iney kasoo horjeeddo nidaamka maamulkaasi.

Waxaa jira waxgarad haya caddeymo ku filan in Somaliland qeyb weyn ay ka qaadaneyso dagaalladan ka socda gobolka Sanaag.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK