Ma dooneeysaa in aad noqoto Nin Roomaantik ama gabar roomaansiyad ah dhanka...

Ma dooneeysaa in aad noqoto Nin Roomaantik ama gabar roomaansiyad ah dhanka Jaceylka hadaba raac habkaani

38
0
SHARE

Ma dooneeysaa in aad noqoto Nin Roomaantik ama gabar roomaansiyad ah dhanka Jaceylka hadaba raac habkaani…

….:->> Ka dib dhismaha guriga labada lamaane ayaa waxaa muhiim ah in hab ka duwan qaabkii jaceyl ee uu guurka ku yimid in la sameeyo taasi oo ah Jaceylka Roomaantiga

Eray ahaan Roomaansi waa mashaacir ama dareemo , waa awoodda in la is fahmo taasi oo sara u sii qadeysa jiritaanka Jaceayalkaaga .

Hadaba ma doneysa in aad noqoto nin Roomaansi ah ama haweeney Roomaansiyad ah oo abuuri karta dareeamaha Jaceaylka?

Hadaba raac tusaalooyinkani:-

*Ku dheh waan ku jecelahay xitaa hadii ay careysan tahay , Eraygaani waxa uu badalayaa dareemaheeda, waxa ay ka dhigeysa xaalada mida ugu fiican.

*Si naxariis ay ku jirto timaha wajiga ka saarma marka ey kula hadleyso si tartiib ah uga qaad.

*Farahaaga uga tir ilinta indhaheeda ka timaada haddii ay wax ku dhacaan sidaa daraadeedna ay u ilameyneyso.

*Haddii ay dhacdo in jiifka ay kaaga hormarto oo ay gasho qolka jiifka, ha ku deg-degin durba yara sug, si tartiib ah u gal , haka kicin si naxariis ah ugu dabool go`a ama bustaha isla markana si naxariis leh u dhunko.

*Haddii saaxibadaada aadan la aqal galin oo Jaceylka bartanka kaga jirtaan, marka ay seexato u qor fariin Jaceyl ah si marka ay soo toosto ay u aqriso .

*Haddii ay dhacdo in aad ka soo hor kacdo subixii ha sugin oo fadlan quraac yar oo macaan u kari, deedna miiska fadhiga ugu diyaari.

*Marka ay cuntada kuu keento u mahad celi kuna dheh “waad cuno macdahay” iwm, adiga oo sii dhunakanaya gacanteeda.

*Marnaba haka caajisin in aad caawiso oo aad u yara foorarsato marka ay xeraneyso kabaha oo xariga kabaha u toosi, adigoo indho dabaacsan kor ugu soo eegaya.

*Marka aad wada daawaaneysaan Tv-ga ama Filim oo aad aragto in uu si wacan ugu socdo , si tartiib ah u istaag isla markaana galaas biyo qaboow u keen oo kaga nixi.

*Marka aad shaqada ku maqan tahay mar ama laba mar la soo hadal kuna dheh waan kuu xiisay qaali.

*Haddii ay dhacdo in gaarigiina qof sedexaad uu idinla raaco iyana ay fariisato qeybta dambe si naxariis leh indhaha kaga xad muraayada gaariga una iljibi adiga oo indho Jaceayl muujianaya .

*Habeenada ay daalan tahy si naxariis leh u istaag oo jirka kariim ka mari adiga oo erayo dabacsan kula hadalaya oo xabeeb ay ku ajirto .

*Dhunko gacmaheeda una muuji in ay tahay nimco uu Allaah ku siiyay.

*Si tartiib ah ku dheh wan ku jeclahay adiga oo dhagteeda u dhawaanaya isla markaana fiiro dabacsan ku eeg .

*Hadiyad ay ku jirto waraaq erayo macaan oo Jaceylka aad u qabto muujinaya aad ku soo dhex riday una geey .

*Si dabacsan uga dhunko wajiga iyo dhabanka ka dib jirka qeybihiisa kale .

*Ugu yeer erayo macaan , iyo magacyo cusub oo aan aheyn keedii hore sida Xabiinteyda , qaali, xayaatal qalbi.

*Ula baxa booqasho baashaal isla maarkaana indhaha uun kala hadal in muddo ah dhoola cadeaynna sii raaci , gacmaheda qabo inta aad sheekada u hayso.

*Marka aad asxaab kale la joogtaan si gooni ula bax xaaskaaga si hoosana ugu sheeg adiga oo dhagta afka u saaraya kuna dheh in ay tahay qofka ugu qurxoon waxa meesha jooga.

*Marka aad suuqa kawada adeeganeysaan istaaag adiga oo dhoola cadaeyna kuna dheh (in badan ayaan ku faraxsanahaya in aad tahay xaaskeyga).

*Sawirkiina aqal galka meel wacan ka sur giriga oo ay ka arki karto waayo waxa uu siinaya daremo adag oo ku adaan munaasabadii guurkiinii.

*Inkastoo xitaa sanado badan ay ka soo wareegatay guurkiina marnaba ha ugu yeerin xaaskeyga.

*Haddii ay awooda ku siiso isbucii hal habeen ka soo wada casheeya baararka waa weyn iyadoo markaasi idin shidan yahay shumac.

 

Leave a Reply