Ma Ogtahay Hurdada Badan Inay Siyaadiso Quruxda

    33
    0
    SHARE

    hurdada caafimaadkaSoomaalida ayaa hore waxa ay ugu maahmaaday hurdo habar korin wayday. Hurdada aad si wanaagsan u seexato habeenkii ayaa waxa ay kaa dhigaysaa gabadh qurux badan.

    Bal waxa aad waydiisaa gabdhaha badan ee asxaabtaada ah waxa ay ku qurxiyaan jirkooada, waxa hubaal ah in jawaabta intooda badani noqon doonto hurdada. waxay noogu jawaabayaan huradadu waa waxa aan ka helo qurux ayaa ah mid ay ku saxsan yihiin.

    Khuburo u dhalatay wadanka Sweden ayaa waxa ay baadhitaan ay sameeyeen ku soo bandhigeen in hurdada wanaagsan ay qurxiso qofka.

    Khuburada oo ka socda maxadka la yiraa Caroline Institute ayaa markii ay baadhitaanka samaynhayeen waxa ay sawiro ka qaaden koox dad ah oo marna habeen si fiican u seexday marna soo jeeday.

    Kadiba ayaa waxa laga codsday dadkii ka qayb qaatay tijaabada in ay sawirada saf galiyaan sida ay u kala qurux badan yihiin. Waxa ayna xulitaankii ku soo saareen in ay ku qurux badnaayeen sawiradii laga qaaday markii ay si fiican u seexdeen. Sawiradii ay soo jeedeen 34 saacadood ayaa waxa ay u eekaayeen kuwo daalan, soo jiidasho lahayn oo jiran.

    Markaa waxa la odhan karaa waxaba roon in ay gabadhu hal saac oo dheeraad ah ku darsato hurada subaxdii. Taasina u sahli doonta in ay si fudud oo waqti yar ka qaadanaya isu sii qurxiso subaxdii marka ay banaanka u baxayso.

     

    Leave a Reply