Maamul qabiileed ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen Dowlada Federalka ah

    18
    0
    SHARE

    Maamulka Xubin iyo xeeb oo aan buuxin shuruudihii Dowlad Goboleed hase ahaatee uu ku dhisan yahay qaab qabiil ayaa ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen Dowlada Federalka Soomaliyeed.

    Madaxweynaha Maamulka Xibin iyo Xeeb oo lagu magacaabo Cabdullahi Cali Maxamad

    ayaa u sheegay mid ka mid ah idaacaha Muqdisho in ay dowladu Fulin weyday Heshiis uu sheegay in ay horay ulagaleen Dowlada Federalka ah.

    Dad badan ayaa aaminsan in warkani uu yahay mid madaxda maamulkaasi ay ku doonayaan in ay ku helaan deeqaha dowladu hesho oo maamulada jiraahi ay laqeybsadaan.

    Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdi maxamed suldaan ayaa sheegay in go’aan kaasi uu yahay mid madaxweynaha xubin iyo xeeb uu kaligiisa qaatay oo aanu laqabin dad reer Cadaado.

    Leave a Reply