Maamulka Degmada Xamar Weyne oo Dib ula laabtey furayaasha qaar ka mid...

Maamulka Degmada Xamar Weyne oo Dib ula laabtey furayaasha qaar ka mid ah meheradaha suuqii Bacdlaha

43
0
SHARE

Maamulka Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir ayaa weli wada jajabinta Bakhaarada dadkii kireystay aysan dib ugu soo noqon suuqa Bacaadlaha ee Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmadaasi Xamarweyne C/laahi Sahal Gardhuub ayaa usheegay wariyeyaasha maanta oo Axad ah inay jabiyeen dukaamo ku dhexyaala suuqa Bacaadlaha Degmada Xamarweyne oo furayaashii ay qaateen dadkii kireestay.

Wuxuu sheegay in sanad kadib markii 15-maalin loo qabtay inay furaan goobahooda ganacsi in maamulka uu go’aan rasmi ah ka gaaray in la jabiyo goobahasi ganacsi kadibna lasiiyo ganacsatada diyaarka u ah inay goobahaasi ku shaqeystaan.

Ganacsatada uu maamulka maanta ku wareejiyay goobaha ganacsi ee suuqa Bacaadlaha Degmada Xamarweyne ayaa soo dhaweeyay arintaasi, waxaana ay sheegeen in maalmo gudahooda ay kusoo camari doonaan goobahaasi ganacsi.

Maalmahan dhan maamulka Degmada Xamarweyne wuxuu waday inuu jabiyo bakhaarada furahooda ay la tageen dadkii markii hore kireystay, waxaana uu maamulka ku wareejiyay goobahaasi ganacsato cusub oo ku shaqeysanaysa.

Leave a Reply