Maamulka gobolka Bakool oo shaaciyey iney wadahadal kula jiraan Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur

    19
    0
    SHARE

    Taliyaha ciidamada dowlada Somalia ee jooga gobolka Bakool Col. Cali Salaad Maxamed ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo wadahadalo ay kula jiraan Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab.

    Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ah xubno ka tirsan Al-Shabaab oo baxsad ah, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo hogaamiyaha Al-Shabaab, sidoo kale Roobow ayaa ka mid ah xubnaha ku jira liiska argagaxisada caalamka, waxaanaa madaxiisa dowlada Maraykanku ay dul dhigtay kal hore shan milyan oo dollar.

    Col. Cali Salaad Maxamed ayaa sheegay in wadahadalka ay kula jiraan Mukhtaar Roobow uu haatan marayo meel aad u wanaagsan, ayna ka soo baxeen natiijooyin horudhac ah oo ay ka mid yihin xabad joojin iyo inaan la isweerararin.

    “Mukhtaar Roobow hadda waxa uu joogaa hadda duleedka degmada Ceel-barde isagoo wata ciidamo kooban oo ilaalo u ah, waxaan isku mowqif ka joognaa la dagaalanka Axmed Godane, wadahadalka socdana xili dhow waxaan gaarsiin doonaa illaa heer madaxda sare ee dalka” ayuu intaa ku daray Col. Cali Salaad Maxamed.

    Dhowaan ayey aheyd markii Xasan Daahir Aweys oo ay isku feker ahaayeen Mukhtaar Roobow uu dooni uga baxsaday degmada Baraawe ugu dambeyntiina u gacan galay dowlada Somalia ka dib markii la dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Xaaji Jaamac afgan iyo Macalin Burhaan, waxaana xaalad baxsad ah ku jira rag ay ka mid yihiin Mukhtaar Roobow iyo Fu’aad Shongole.

     


    Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

    Leave a Reply