Sunday, September 24th, 2017

MAAMULKA PUNTLAND OO MAMNUUCAY SHIRARKA SIYAASADEED EE LAGU QABTO HOTELADA.

Published on September 10, 2017 by   ·   No Comments

Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo shirarka siyaasadeed ee lagu qabto Hotelada, kaasoo lid ku ah maamulka uu hoggaaminayo C/wali Gaas.

 

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa waxaa digniin loogu diray hotelada ku yaal Garowe iyo deegaanada kale in aysan marti gelin karin shirar siyaasadeed oo looga soo horjeedo Maamulka C/wali Gaas.

 

Sidoo kale wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in shirarka ay yihiin kuwo lagu khal khal gelinayo amniga deegaanada Puntland.

 

Milkiilayaasha Hotelada ayaa looga digay inay shirar uusan maamulka ogeyn ay hoteladooda lagu qabto.

 

 

 

Amarkan ayaa ka dambeeyay, markii maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen magaalada Garowe iyo magaalooyinka kale shirar ka dhan ah Maamulka Madaxweyne C/wali Gaas.

 

Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay Maamulka Puntland ayaa bilaabay inay dhaliilaan Maamulka C/wali Gaas.

 

Amarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ee ay soo saarto wasaaradda Amniga Puntland, iyadoo horay u jireen amaro aanay dhaqan gelin.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK