Machadka Alshaahid ee tababarka iyo horumarinta Aadanaha oo Muqdisho laga furay(Daawo Sawirada)

Machadka Alshaahid ee tababarka iyo horumarinta Aadanaha oo Muqdisho laga furay(Daawo Sawirada)

40
0
SHARE

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad daaha looga rogaayay Machadka Alshaahid ee tababarka iyo horumarinta Aadanaha kaas oo loogu tala galay in looga faa’iideeyo Soomaalida u baahan in ay kor u qaadaan aqoontooda ama doonaya in labaro xirfado shaqo.

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Mascuud Maxamed Guutaale oo ah maamulaha xafiiska Muqdisho ee xarunta cilmibaarista iyo culuunta saxaafada waxa uuna faaf-faahiyay hadafka laga leeyahay furitaanka machadka iyo waliba baahiyaha keenay in la furo.

“Cilmi baaris ay sameysay xarunta cilmi barista iyo culuunta saxaafada ee Al-shaahid ayaa lagu ogaaday in ay jirto baahi loo qabo in la helo tababarro iyo qorshayaal lagu dhisaayo hanaanka shaqo ee bulshada Soomaaliyeed waxaana iyada oo taa laga duulaayo aan isla garanay in ay lama huraan tahay in la bilaabo mashruuc u gaar ah tababarada iyo sara u qaadida xirfadaha aasaasiga ah ee bulshada sida xafiis maamulida iyo luuqadaha muhiimka ah sida Carabiya iyo Ingiriiska”, Mascuud ayaa intaasi ku sheegay hadalkiisii fur-furashada ahaa.

Munaasabada oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin aad u fara badann oo ka socday wasarada hidaha iyo tacliinta sare, shirkadaha dalka ka jira qaarkood, ururada bulshada rayidka ah, culimada iyo ururada dhalinyarada ayaa waxaa isna hadal kooban ka jeediyay agaasimaha wasarada hidaha iyo tacliinta sare, Ismaaciil Yuusuf, waxa uuna ku bogaadiyay madaxda Shaahid sida wanaaga badan ee ay ugu dhiiradeen furitaanka machadkaan oo uu sheegay in laga faa’iideysan doono.

Madaxa qeybta luuqadaha ee machadka maanta lagu dhawaaqay ayaa waxa uu munaasabada ka sheegay in ay bixin doonaan shahaadooyin aduunyada laga aqoonsanyahay arintaas oo uu sheegay in ay tahay guul la taaban karo oo Soomaalida usoo hoyatay.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu badan dad kazoo baxay jaamacado oo hadana aan laheyn awood ay xafiisyada ku maamuli karaan waxaana dhamaan dadkii munaasabada ka hadlay ay isku raaceen in machaka oo laga furay dalcada Cabdi Qaasim gaar ahaan dhabarka danbe ee Jaamacada SIMAD in uu noqon doono mid ay ka aflaxaan Soomaali badan.

Machadka Alshaahid ee tababarka iyo horumarinta Aadanaha ayaa waxa uu durba guda gelayaa daboolida baahiya jira ee loo aasaasay waxaana ka bilaabanaya dhawaan xarunta machadka diiwaan gelinta ardada doonaya in ay kafaa’iideestaan fursadaha wax-barasho ee machadka.





Leave a Reply