Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Juba oo safar ugu baxay Garowe

    19
    0
    SHARE

     

    madoobe_diyaarad

    Wefdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka kumeelgaarka ah ee Juba Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa maanta ka duuley magaalada Kismaayo. Wefdiga uu hoggaaminaayo Axmed Madoobe ayaa ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay ka socoto munaasaba lagu soo dhaweynaayo.

    Wefdiga maamulka kuleelgaarka ah ee Jubba ayaa ujeedadiisu tahay ka qaybgalka caleema saarka Madaxweynaha Puntland oo dhawaan la qabanayo. Mudada wefdigu ku sugan yahay Puntland ayey kulamo gaar ah la qaadan doonaan madaxda Puntland ee dhawaan la doortey iyo qaybhaa kale ee bulshada.

    Sidaan si la mid ah ayaa maalmo ka hor lagu caleema saarey maamuka Juba magaalada Kismaayo waxaana ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Madaxweynuha Puntland ayaa la sheegay in uu ku mashquulsan yahay dhisamaha xukuumadda cusub.

    Sidaan si lamid ah Wefdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Ximan & Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa maanta gaarey magaalada Garoowe

    Xafladda caleema saarka Madaxweynaha Puntland, ayaa la filayaa in ay ka soo qaybgalaan madax ka socota dowladda federaalka iyo safiirada hay’adaha iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

    W/Q/ By sharawe

    Leave a Reply