Madaxweynaha Uganda oo ammaanay Ciiddamadiisa Hawlgalka AMISOM.

Madaxweynaha Uganda oo ammaanay Ciiddamadiisa Hawlgalka AMISOM.

47
0
SHARE

Madaxweynaha dalka Uganda, ayaa sheegay inaysan Ciiddamadiisa qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM marnaba ku dhaqaaqin wax ka baxsan Sharciga.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yuweeri Museveni ayaa ku faanay in Ciiddamadiisa qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM yihiin kuwo aan marnaba geysanin Xadgudubyo.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ku sheegay Maqaal dheer oo uu ku qoray Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalladda Kampala, oo uu kaga hadlay dhowr qoddob.

Mar uu ka hadlayey Ciiddamadda Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Ciiddamadda Uganda joogaan dalka Somalia in ka badan shan sannadood, isla markaana ay xiriir fiican la leeyihiin dadka Soomaalida oo uu xusay inay yihiin Mujtamac Muslimiin ah.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin wax shil tacadi ah geysanin, isagoo dhinaca kalena sheegay in haddii ay shilal dhacaan loo baahan yahay in arrinta la xakameeyo, Sharcigana la waafajiyo.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmayo iyadoo Saraakiil ka tirsanaa Ciiddamadda Uganda ee Hawlgalka AMISOM la xiray, kadib, markii lagu helay Fadeexad la xiriirtay Raashin iyo Shidaal laga xaday Taliska AMISOM.

Dhinaca kale, Museveni waxa uu Maqaalkiisa kaga hadlay Qorshaha Xukuumadiisa ee ku aadan Dib-u-dhiska Waddooyinka iyo sidoo kale Halgankii Jabhadda NRM ee uu Madaxda ka ahaan jirey oo kacdoon Hubeysan Xilka kaga tuurtay Madaxweynihii hore ee dalkaasi ee geeriyooday Jeneral Iidi Daada.

Leave a Reply