Madaxweynayaasha Galmudug & Jubba oo ku wajahan Garowe

    19
    0
    SHARE

    Mas’uuliyiin Madaxweynayaal u badan iyo Xubno ka socda Hay’ado Caalamiya ayaa lafilayaa Maanta oo Khamiis ah innay gaaraan Magaaladda Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland.

    Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Juba iyo Wefdi Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa la filayaa innay Saaka ka soo duulaan Magaaladda Kismaayo oo ay gaaraan Magaaladda Garoowe.

    Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid iyo wefdi uu Hogaaminayo ayaa iyana Saaka lafilayaa innay Gaalkacyo ka tagaan oo gaaraan Magaallada Garoowe.

    Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb iyo Wefdi uu Hogaaminayo oo Shalay Galinkii dambe soo gaaray Gaalkacyo ayaa Saaka la filayaa innay uga sii gudbaan Magaaladda Garoowe.

    Wufuud ka kala socota Dowladaha Somalia,Kenya Ethiopia iyo Xubno ka socda Hay’ado Caalamiya ayaa Maanta lafilayaa innay gaaraan Magaaladda Garoowe.

    Amaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana lafilayaa Maalinta Berri ah oo ku beegan Jimce 24 Janaayo 2014-ka,innay ka dhacdo Munaasabad lagu Caleema saarayo Madaxda Puntland.

    Leave a Reply