Madaxweynayaashii Khaatumo oo ka dhexmuuqday Golaha Wasiirada cusub ee Puntland

Madaxweynayaashii Khaatumo oo ka dhexmuuqday Golaha Wasiirada cusub ee Puntland

52
0
SHARE

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ah Wasiirka cusub ee Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose iyo C/Nuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) oo ah Wasiirka cusub ee Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa labaduba horay u ahaa Madaxweynayaasha Maamulka Khaatumo ku waasi oo aaminsanaa in ay yihiin Maamul ka madaxbanaan Puntland iyo Somaliland,iyadoo taasi ay muujnayso in Masuuliyiintan ay si toos ah uga mid noqdeen golaha maamulka Puntland.

Axmed Karaasha ayaa horay u ahaa Madaxweynihi ugu horeeyey ee Khaatumo State halka C/nuur Biindhana uu hada ahaa Madaxweynaha 3xaad ee Maamulkaasi, hada waxaa maamulka Khaatumo u haray Hal madaxweyne oo qura kaasi oo lagu magacaabo Maxaed Jaamac Yuusuf Indha-Sheel kaasi oo hada ah madaxweynaha kaliya ee ku haray Golaha Madaxtooyada ee maamulka Khaatumo iyadoo aan la ogayn Saamaynta ay arintan ku yeelan doonto Maamulkaasi.

Masuuliyiintaasi oo horay u yimid Garoowe wadahadal la galay Xukuumadii hore ee uu hogaaminayay Madaxweyne faroole inkastoo hada ay si toos ah ugu biireen Xukuumada Cusub ee uu soo dhisay Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas, sidoo kale ugu yaraan 3 kamid ah musharixiintii u tartantay madaxtinimada puntland ayaa ka mid ah golaha wasiirada cusub ee uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka puntland C/weli maxamed Cali gaas,kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiirada maaliyadda mire xaaji faarax,waxbarashada Cali xaaji warsame,iyo wasiirka caafimaadka saadiq eenow iyo xubno kale.

Leave a Reply