Madaxweyne C/weli Gaas Iga Guddoon “Talo Aadan ii Dirsan”

    16
    0
    SHARE

    Madaxweyne C/wali Gaas waan ku salaamayaa, run ahaantii sidii laguugu doortay madaxweynaha Puntland aad iyo aad ayaad u mashquushay, iimana suura gelin inaan kula kulmo, marka laga reebo inaan ku salaamay iyadoo si xad-dhaaf ah laguu ceyrsanayo oo laguu daba yaacayo magaalada Garoowe. 

    Waxaan bowsi ku maqlay inaad mashquul ku tahay soo dhisida xukuumadada cusub, iyadoo la ii sheegay inaad qabaailka kala tashaneyso dhismaha xukuumada cusub, waana tallaabo yididiilo leh in Puntland noqoto dal iyo dad talo-wadaag ku dhisan.

    Mudane Madaxweyne waan hubaa inaad ogtahay inaan laguu dooran oo kaliya inaad Soomaliya xil sare kasoo qabatay, ama aad tahay aqoon yahan aragti dheer, balse waxaa kaloo laguu doortay inaad Puntland ku hogaamiso, nabad, xaqsoor, dimoqraadiyad, talo-wadaag, iyo iyadoo lagaa rajeynayo inaad isu keento bulshadii kala irdhowday 5-tii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo Puntland midnamadeeda iyo wadajirkeeda uu gaaray dhaawac miyir-doorsoomay.

    Hoggaan cusub iyo hiraal cusub:

    Mudane Madaxweyne Markii la xaqiijiyey in hogaankii Puntland isbedel ku yimid 8-dii Janaayo laba saac gudahood waxaa magaalooyinka Puntland ka billowday damaashaadyo waalli ku dhow, oo la xakamayn kari waayey farxada iyo reyn-reynta shacab weynnaha Puntland, waxaan warbaahintu maalintaas soo tebisay in Bosaso laga fujiyey si degdeg ah faras magaalaha sawirka madaxweyne Faroole, iyadoo lasoo sawiray shacab kor ugu baxay inay fuulaan taalooyinka dhaadheer ee magaalada. Waxaa kaloo warbaahintu isla maalintaas soo tebiyeen muuqaalo ku saabsan dadweynaha Qardho oo damaashaadka isbedelka dartiis fuulay baalayaasha korontada, iyadoo waliba shilal ka dhacay magaalada Qardho, kadib markii gawaari ay ka buuxaan dad shacab ah ay isku dhaceen, lamase soo sheegin khasaare waana Illaah mahadii. Waxaas oo dhan oo farxad ah oo ay dadweynuhu muujinayaan maahan qof ayaa guuleeystay qof kalena waa laga guuleeystay, laakiin waxay dadweynuhu sugayaan 15-sano kadib cid u miciinta oo darxumada iyo dowlad xumada ugu bedesha nolol cusub, isbedel cusub, billow cusub, hogaan leh hiraal la mahdiyo mustaqbalka.

    Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada xidideysatay: Waxaa ugu weyn oo Dawladda Puntland la hanaqaadi weydey waa musuqmaasuqa iyo boobka  xishood darrada ah ee lagu hayo hantida guud, taas oo loo isticmaalo sidii hanti gaar ahaaneed, iyada maamulku shaqaalihii iyo ciidankii dalku mushahar la’aan yihiin muddo sannad ah.

    Puntland waxyaabaha laga naxo, lagana tiiraanyoodo oo lagu dhaqmo ayaa ah in wasiir ama wasiir ku xigeen uu dhisto guryo ka badan 3 gurri, iyadoo wasiirka mushaarkiisa uusan ka badnayn kun dollar ama kun iyo shan boqol oo dollar, waxaan la yaabay sida dadweynaha Puntland hayin u yihiin una ogolaadeen in lacagtoodii si xaaraan ah loo isticmaalo min madaxweyne illaa agaasime waxay ka mideysan yihiin boobka hantida, iyadoo haba yaraatee Puntland aysan ka jirin hantidhowr madax bannaan oo daba gal ku sameeya boobka xad-dhaafka ah ee lagu hayo hantida iyo dhaqaalaha ummada reer Puntland.

    Tala-soo-jeedin: Si loo dabar-gooyo aafadaas waxa loo baahanyahay in la dhiso Guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna dadaalo hirgelinta maamul wanaag ku dhisan karti iyo hufnaan iyo wada xisaabtan.

    Kaalintii Hay’adaha madaxa-bannaanaa la baaba’shey:  Maamulka Puntland wuxuu awoodii ka qaaday hay’adihii madaxa-bannaanaa ee u xilsaarraa ilaalinta caddaaladda, hantida iyo nidaamka, sida garsoorka, hanti-dhawrka, bankiga, hay’adda doorashooyinka iyo shaqaalaha dawladda.

    Tala-soo-jeedin: Waxaa loo baahanyahay in la ixtraamo madaxbanaanida iyo awoodda dastuurku uu siiyey hay’adaha kor ku xusan loona dhammaystiro shuruucda ay u baahanyihiin, si ay u gutaan xilkooda.

    Dimoqraadiyada: Mudane Madaxweyne waxaan kugu boorinayaa kugu lana talin lahaa in 100-ka maalmood ee ugu horeysa aad daaha ka rogot barnaamijka talo-wadaagga ahaa (Democratization Process). Ururada siyaasadeed waa inaad fasaxdaa iyadoo aad magacaabeyso guddi doorashooyin oo u madax-bannaan shaqadooda.

    Kaalintii Isimada: Si dib loogu soo noolayo loona sharciyeyo maqaamkii iyo kaalintii sharafta lahayd ee Issimadu ku lahaayeen Puntland; waxaa loo baahanyahay in dawrkooda dastuuri laga dhigo, loona dhiso gole ay hor-muud ka yihiin, kaas oo u xilsaaran ansixinta go’anada ka soo baxa Golaha Wakiillada iyo go’an ka gaarista ugu dammaysa ee khilaafaadka Puntland soo food-saara.

    Dastuurka: Dastuurka Puntland waxa laga saaray oo hadda ka maqan qodobbo muhiim u ah degganaanshaha, midnimada iyo horumarinta dalka iyo dadka reer Puntland si loo fududeeyo ku xadgudubka awoodda dawladda iyo xuquuqda dadka.

    Tala-soo-jeedin: Si loogu kordhiyo qodobbada ka maqan dastuurka ee muhiimka u ah degganaanshaha, midnimada iyo horumarinta dalka iyo dadka reer Puntland, waxaa loo baahanyahay in dibu-eegis iyo qabyo tir lagu sameeyo dastuurka dalka.

    Caqabadaha ragaadiyey horumarka Puntland:

    –         Hoggaan xumo iyo keli-talisnimo

    –         Musuqmaasuq iyo maamul xumo

    –         Garabmar dastuur iyo ku-tumasho sharci

    –         Horumar la’an iyo kaabayaal dhaqaalaha oo xaddidan

    –         Midnimadii gobollada Puntland oo khatar ku jirta

    -Eex iyo Qaraaba kiil mudnaanta laga siiyo danta guud iyo xaqsoorka.

    -Macangagnimo iyo siyaasad xumo Puntland ka go’doomisey xiriirkii gudaha, dibaddaba iyo iskaashiga caalimiga ah.

    Madaxweyne Gaas ma ka faaideysan doonaa Fursadaha Puntland ka jira:

    *  Bulsho oggol oo u heelan dawladnimo iyo midnimo Soomaaliyeed

    *   Dulqaad iyo dhaqan nabadeed oo ay caado u leeyihiin reer Puntland

    *   Hoggaan dhaqameed soo jireen ah oo la wada ixtiraamo

    *   Wax-garad iyo aqoonyahan tiro badan oo dalka jooga

    *    Mushtar xoog leh iyo ganacsato hal-abuur badan

    *    Dhaqaale ku filan horumarinta Puntland

    *    Khayraad dabiici ah oo Puntland hodon ku tahay

    *    Hay’ado caalami ah oo u diyaar ah in ay wax la qabtaan

    Madaxweyne intaas oo faaiido ah waxaan talo kugu siin lahaa inaad ka faaiideysato, adigoo dhisaya xukuumad kooban, tayeysan, carbisan, daacadsan, aqoon iyo fikirna kusoo kordhin kara dalka iyo dadka Puntland.

    Caasimaddii Puntland:

    Garowe waxay Puntland ka noqotay wixii Xamar Soomaaliya ka ahayd, taas oo wax walba lagu ururiyey (siyaasadii, dhaqaalihii, macaawinadii, hay’adihii, iyo horumarintii) halka magaalooyinka kale aan waxba ka jirin. Arrintaasuna suurta gal kama noqon karto dawlad goboleed u halgameysa sidii dalku ugu gudbi lahaa nidaam baahsan (oo federal ah). Intaa waxa dheer in magaaladii caasimadda ahay tartiib-tartiib isugu rogtey meel la kala sheegto.

    Tala-soo-jeedin: Waxaa loo baahanyahay in xaalka caasimadda looga hadlo si qota dheer.

    Maaligashiga iyo Kobcinta Dhaqaalaha:

    Ugu dambayntii Mudane Madaxweyne waa in xukuumadada qaadaa tallaabooyin lagu kobcinayo shirkadaha ay leeyihiin reer Puntland, adigoo dhiiri-gelinaya in shirkado cusub ay abuurmaan. Siyaasadda ku wajahan ganacsiga waxaan taladeeda ku haboon in loo daayo ganacsatada,  isla-markaas waaa in la dhiiri-geliyaa maal-gashiga shisheeyaha.

    5-tii sano ee lasoo dhaafay waxaan Puntland ku aragnay in qofkii raba inuu dalka ka hirgeliyo mashruuc lagu xirayo lacago badan, laaluush, iyo niyad jebin, iyadoo aan Puntland ku arkay wasiiro iyo madax kale oo marka aad ula tagto mashruuc ama barnaamij dalka horumarin gaarsiin kara ku warsanaya oo kule “Maxaa iigu Jira” dhaqamada caynkan oo kale ah waxaa haboon in laga gudbo oo Puntland yeelato dowladnimo sal adag leh.

    Mudane Madaxweyne MAHADSANID 

    Maxamud J. Muuse 

    Aqoonyahan ka faallooda arrimaha geeska Africa si weyna ula socda arrimaha

    Leave a Reply