Madaxweyne Xasan Sheekh oo si dadban u sheegay in Tarsan Xilka laga qaadayo kana hadlay iscasilaadiisii.

    25
    0
    SHARE

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Barnaamij Dood wadaag ah oo ka baxayay Tv-ga Universal waxa uuna kaga hadlay arimo badan oo Siyaasada Soomaaliya iyo amaanka quseeya.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Waxyaabihii wax laga weediiyay kana hadlay waxaa kamid ahaa iscasilaadii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maxamed Axmed Nuur Tarsan ee ku aadaneyd xilka loo Magacaabay ee ah wasiir ku xigeenka isboortiga iyo Dhalinyarada Xukuumada Cuusb ee uu dhawaan soo dhisay Ra’isal Wasaaraha Dalka .

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Tarsan uu yahay shaqsi wax badan u soo qabtay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed balse aaney jirin cid lagala dar daarmay oo la dhalatay xilka isbadalna loo baahan yahay.

    ”Darajada Dowladnimada ma ahan in Qofka xil loo Magacaabay uu weligiisa haynaayo xilkaasi laakiin aan sidaas ahayn Xilkana ay tahay Meerto oo qof walbo is bedel lagu sameynaayo.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay Warar sheegayya in uu jiro Khilaaf isaga iyo Ra’izul Wasaaraha Cusub soo kala dhax galay waxa uuna sheegay in aysan waxba ka jirin arintaasi isaguna uusan caqabad ku aheyn in Xukuumada Cusub shaqeyso.

    “ Aniga caqabad kuma ahi Xukuumada Cusub waxaana jeclahay in ay waajibaadkeeda fuliso ,Hadii aniga sabab ahaanteyda Xukuumadan ushaqeyn weyso waan is casilayaa”.ayuu Yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xirnaashaha waddooyinka qaar magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay inay og yihiin dhibaatooyin shacabka ku qabaan xirnaashaha waddooyinka laakiin iyagu ay u arkaan bad baadinta ajaanibta magaalada Muqdisho soo deggaan islamarkaana dhowr jeer qaraxyo ismiidaamin ah ka dhaceen magaalada Muqdisho.

    Hadalka kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda mid Banaanka soo dhigayo in uu jiro Qorsho Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho xilkaasi dhawaan laga qaadi rabo .

    Leave a Reply