Madaxweyne Xassan Sheekh oo soo xiraya fadhiga baarlamaanka

    14
    0
    SHARE

    Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,ayaa lugu wada inuu maanta soo xiri fadhiyadda baarlamaanka,maadaama qorshuhu yahay in galinka danbe ee maanta baarlamaanku uu galo fasax.

    Xassan Sheekh,madaxweynaha jamuuriyada Soomaaliya waxaa uu hortagaya baarlamaanka dowladda feraalka Soomaaliya iyadoona uu ka hor jeedin doonno khudbad so gootin ah.

    Khudbada madaxweynaha waxaa lugu wada qeyb inay ka noqoto mahad-celin ku aadan ansixinti baarlamaanku ay ku meel mariyeen xukuumadda cusub ee raysal wasaare C/wali Sheekh.

    Xildhibaan Xiis Muuse Cowl, oo la hadlayey warbaahinta guddaha ayaa arrintaan xaqiijiyey,waxaana uu tilmaamay in xarunta gollaha shacabka laga dhowrayo madaxweynaha si uu u soo gaba-gabeeyo fadhiyada baarlamaanka oo maanta ku eg.

    Baarlamaanka ayaa fasax ku maqnaan doonna ilaa bisha saddexaad ee sannadkan,kaddib markii uu dibu dhac uu ku yimid fasaxoodi ay gali lahaayeen bisha an ka soo gudubney ee Decembar,kaddib markii uu dibu dhac ku yimid dhismaha xukuumadda cusub taaso dib loogu dhigay fasaxii ay lahaayeen baarlamaanku.

    Leave a Reply