Magaalo itoobiya ku taallo oo kalabar dadkeeda hal il la’yihiin

Magaalo itoobiya ku taallo oo kalabar dadkeeda hal il la’yihiin

43
0
SHARE

Tuulo la yiraahdo Kuyu oo ku taala gobolka Oromia ee dalka Ethiopia ayaa dadka ku nool waxaa la ogaaday inay ku dhawyihiin inay indho beelaan kadib markii dadkaas ay min hal il wada beeleen.

BBC,da qeybta ka hadasha arrimaha caafimaadka ayaa warbixin lagu qoray waxaa lagu sheegay in dadka tuuladaan ku nool qof walba oo ku nool ay hal il xanuunayso qaarkoodna ayba indho beeleen kadib markii xanuunka trachoma, la yiraahdo.

Caruurta ayaa u badan dadka xanuunkaan qaba ee la ildaran waxaana maalin walba dadku safaf dhaadheer ugu jiraan xarumaha lagu daweeyo xanuunada indhaha ku dhaca.

Wiil yar oo 6 sanno jir ah oo uu isha bidix kaga dhacay xanuunka trachoma, ayaa tiri “Hooyadey sanad ka hor ayay il beeshay arrintaas dhibaato ayay nagu noqotay anna 6 bilood ka hor ayuu igu dhacay”

Gabar yar ayaa iyana  tiri “Ayaydey labada indhoodba ma laha maalin kastana wadooyinka ayaan ku wadnaa annaga oo gacanta hayna”.

Dr Wondu Alemayehu, oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka Ethiopia ayaa sheegay in dadka tuuladaas ku nool ay halis badan ugu jiraan inay Indho beelaan haddii aan deg deg loo daweyn.

Gobolkaan dawlada Ethiopia waxay sheegtay in sanad walba ay indho la’aan noqdaan qiyaastii 200 oo ruux.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in 21 million oo ruux oo dunnidaan ku nool ay qabaan cudurka trachoma.

Leave a Reply