Malakamowd Tuuteysan W/Q:- Saida Sheikh Ahmed

    19
    0
    SHARE

    Dadka ka soo firxaday geyiga Soomaalida ee ku nool dalalka Yurub waxa ay ila garanayaan hal arrin oo dhammaan si weyn loogu wada faraxsan yahay lagana simman yahay oo aanan ku jirin dhammaan inta kalee dhaliilaha badan laga sheego dhinacyada inta badan laga gil gishana aan ku jirin taasoo ah: in Booliska (Police) dalalka aanu maanta martida u nahay ay sugayaan amnigeenna markalaga reebo mar mar ay dhacdo balaayo cirka ka soo dhacda ah oo aan lagu tashan.

    Waxaanu ku wada hurudnaa askartaas oo aan amnigeenna Ilaahay ka sokoow ku aaminnay qof kastaana si nabad ah ayuu ugu niyad xasiloon yahay. Ma dhacdo inaan dhibaatooyin kala kulanno isla iyaga qof walbaa halkuu doono ha ka yimaadee waa loo simman yahay sharciga hortiisa oo ay ugu horreyso in loo ballan qaaday qof walbaa nabad iyo amni sugan.

    Taariikhda waxaa dadka Soomaaliyeed soo martay waayo inta badan laga jeediyay dhibaato dhacaysa oo qaar badan laga indho sarcaadiyay, qaar badan laga maskax sarcaadiyay, qaar badanna siyaabo kala duwan loo jiheeyay, qaar kaloo badanna qabyaaladdi ay madax tirtay dhacdadaas foosha xunee lama illaawaanka ah in ay ka hadlaan, cidi kamay gilgilan waageedii. Waana markii ummad dhan diyaarado lagu rusheeyay dhulkii waagas loo yaqaannay Waqooyi maantana loo yaqaan Somaliland. Dad baa lagu xasuuqay inta badan garwadeenkii bulshadaSoomaaliyeedna intaas sanduuq aan soo sheegay ayay ku kala xareysnaayeen waabulsho ay xasuuqeen intii masuuliyadda ay ka saarnayd in ay badbaadiyaan, dhowraan, amni iyo nabadna ay u ballan qaadaan. Xaalkiina markuu faraha ka baxay qaar badan baa wali ceebtooda la soo taagan “Midnimo” noogu kaalaya xittaa iyagoon innaba ka garaabeyn, innaba ka gubaneyn, innaba ka dubaaxineyn ayaan darro. Malaa may arag saaxiibbadood oo qofka ugu ugu yar uu sheegayo in qoyskooda laga laayay laba illaa saddex ruux mise dadka qaar bayba nafta la tahay jab rooti ah anuu garanba maayee.

    Shalay markii caddaalada indhaha laga qabsaday oo xasuuq iyo xume lagu dilay wixii Soomaalinnimo ahaa waxay dhashay waa la wada arkay, waa lagu kala fogaaday, waa la isku nacay, waa la isku hiifay la iskuna haruufay, ninboow geedkaad gaarto ka miro gooso ayay taagan tahay taasoo ah tan kaliya jid kale muu furmin illaa wali.

    Maanta askartii tuutaha dawladda federaalka Soomaaliya xirnayd waxay ku xusuuqayaan gobollo Soomaaliya ka mid ah iyo dad masaakiin ah iyagoo sita magacii ciidanka dawladda federalka Soomaaliya haba u gaar ahaato dhibaatada gobolka Shabeellada Hoose oo denbina looga dhigayaa laguna tir tirayaa barwaaqada uu rabbi ku deeqay, nimcada dhulkooda. Waxaa cadaabta loo marsiinayaa in la dhaafiyo dhulkaas oo laga boobo gobolka. Kufsiga haweenka loo geysanayo, dhaca beeraha, dhul-boobka, barakicinta iyo dilka xisaab ma leh, koox koox baa guryaha loogala baxayaa, qaar baa afduub ku maqan wali oo aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, qaarbaa iyadoo la wada arkaayo la laayaaqof ka war haya un baa garan kara.

    Malakamowdkii la garan jirayna falkaasi ma fulinaayo ee waxaa ka danbeeya kuwii bulshadaas amniga u ballan qaadi lahaa, malakamowd tuutaha ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya xiran iyo rag ay dawladda isla iyada halkaasi usoo magacaawday/usoo dirsatay. Madaxdii dawladda, garwadeenkii bulshada iyo qof kastana xoog iyo wakhti uma hayaan oo waxaa loo wada daawanayaa sidii shalay loo daawanayay dadka muslinka ah ee dhiigooda la daadshay ee xabaalo wadareedka lagu wada guray ee diyaaradaha ay iyaga u dheeriga ahaayeen ee la rusheeyay ee qof damiir leh uusan jecleyn inuu xusuusto xittaa ama uu wagaasi noolaado.

    Taasi oo ay waliba dheer tahay qofkii soo hadal qaadaa tacaddiga Shabeelleda hoose lagu hayo ee bini’aadannimada ka baxsan in lagu shaabbadeeyo: waxaad ka hadleysaa waa qabyaalad xatta hadduu qofku gobolkaa oo ay ku nool yihiin beelo kala duwan se dhaqan wadaag ah oo is jecel uu u dhashay ama lagu shaabbadeeyo mucaraad baad dawladda ku tahay amaba lagu yaq yaqsoodo oo loo sheego in uu ka hadlaayo wax aan muhiim ahayn oo aan loo baahnayn in waqti lagu dhummiyo.

    Dadkaasu ma waanay dad ahayn oo aan marnaba la heleyn damiir nool? Dawladna dhibka jira haddaan loo sheegi karin lala wadaagi karin, aan laga heli karin amni iyo nabad, la sixi karin maxayba dawlad kaaga noqotaa? Ciidan dagaal galin ma ahi, ciidan difaacna ma ahi se waxaan is weydiinayaa berri maxaa loogu jawaabi doonaa dadka Shabeellada hoose ma ma ogeyn, ma ma maqlin, ma ma urin mise….?
    Malafsade ha dhaco;
    Xalaal-maal ha jiro;
    Dadku waa masee
    Ha mudh-baxo cadligu.

    AHU Abwaan Gaariye

    W/Q:- Saida Sheikh Ahmed

    Leave a Reply