mamulka pudlan ayaa shagay in ay kala waregen gobo horleh

    62
    0
    SHARE

    Maamulka Puntland ayaa ka warbixiyay dagaalo saaka aroortii ka dhacay buuraha Galgala, iyadoo dagaalka ay qaadeen Ciidamada Puntland oo baadigoobayay goobaha ay ka soo weerar qaadaan Shabaabka.

    Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in xogo ay heleen ciidamada oo ahaa goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Shabaab iyo meelo ay isku uruursanayeen, isagoo xusay in labo jiho ay ciidamada Puntland ka weerareen.

    “Shalay gelinkii dambe xogo ay ciidamada heleen oo ahaa alshabaab meelo ay kaga dhuumaaleysanayeen dusha sare ee Buuraha Galgala ayay ciidamada ku baxeen, saakay aroortii weerar ay ku qaadeen, waxaa ka dhimatay saddex, todobo dhaawac waa la carareen, dhinaca Ciidamada waxaa soo gaaray hal dhimasho”ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.

    Waxaa uu sheegay in ciidamada ay 30-KM ay gudaha ugu sii jireen Buuraha Galgala oo uu tilmaamay inay tahay buur aad u dheer oo gasha ilaa Itoobiya, waxaana uu tibaaxay inay sii wadayaan howl galada.

    Xoogaga Al-shabaab ee fadhigooda yahay Buuraha Galgala ayaa weeraro ku qaada fariisimaha ciidamada Puntland, iyadoo sanadkii hore weerar culus ku qaaday xabsiga Dhexe ee Boosaaso.

     

    Leave a Reply