MAQAAL: KOBOCA ISLAAMKA IYO MUSTAQBALKA YURUB (Baaris+Xog ururin)..

    22
    0
    SHARE

    Islaamka ayaa si mug leh ugu faafaya dalalka reer galbeedka gaar ahaanna waddama Yurub, halka dowladda Ingiriiskuna ay si gaar ah uga dhex muuqato dalalkan ay dadkeedu muslimanayaan.

    Dad lagu qiyaasay 100,000 oo qof ayaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey soo galay diinta Islaamka qaaradda Yurub guud ahaan. Dalka Ingiriiska oo dadkiisa lagu qiyaaso 61 Milyan ayaa sannadkii 2012 ay ka Islaameen 52,000 oo qof, kuwaas oo 62% ay dumar yihiin, haddii si kale loo dhigo in ka badan ka badh ayaa haween ah, waxana da’dooda lagu jaangooyay 27 jirro. Haweenkan ayaa la soo ifbaxay Islaannimadooda markay muuqaalka noloshooda ku beddeleen Xijaabbo, Indhashareerro, iyo Khamaarro ay xidhaan, tiiyoo dalal badan oo Yurub ah looga ololaynayo in la mamnuuco qaadashada khamaarka iwm.

    Sababaha dad badan oo u dhashay dalalka reer galbeedka, gaar ahaanna Yurub ay diinta Islaamka u qaadanayaan ayaa lagu macnayn karaa dhawr arrimood oo is-dugsanaya.

    1. In dad badan oo ka tagaya dunida Islaamku ay ku badanayaan dalalka Yurub, taasina ay door mug leh ka qaadanayso in dad badan oo Masiixiyiin ahaa ay u digarogtaan Islaannimada.

    2. Horumarka casriyaysan ee Tiknolojiyadda (latest technology) ay qayb ka qaadanso in ay dad badan oo masiixiyiin ah diinta Islaamka ka helaan su’aalo ay jawaabo u la’aayeen, kuwaasoo aan raadinta warcelintoodu aanay wakhti badan ama socdaal badan ka qaadan.KU QOR

    3. Diiqadda nolosha la xidhiidha (Stress) oo dad badan oo aan Muslimiin ahayn in ay waddo ay kaga baxaan la’yihiin, laabtuna u degi la’dahay. Tani waxay dad badan ku hoggaamisay in ay baadigoobka daggannaantu uu u hoggaamiyo Islaamnida, marka ay diintan ku ladaanna ay ay u falceliyaan saaxiibbadoodii Masiixinnimada ku hadhay, taasoo sabab u noqota in la helo mujtamac hor leh oo diinta Islaamka ku soo qul-qulaya.

    Dalal badan oo isla qaaradda Yurub ah ayaa uu Islaamku si wayn u saamaynayaa imika iyo mustaqbalka dhowba, waxana isbarbar socda hoos dhaca xaddiga bulsho ee qaaraddaasi, iyo sare u kaca dadka qaadanaya diinta Islaamka.

    Warbixinno la sameeyey waxa ay isku raaceen in heerka dhalmada ee Yurub uu guud ahaan hoos u dhac wayn saamayn ku leeyahay, taasoo haddii la isku dayo in dib heerkaasi kor loogu soo qaado si dhaqankii iyo diintii Masiixiyadda ee dalalkaasi loo sii ilaaliyo ay ku qaadan doonto ugu yaraan 80 sannadoo, iyadoo ay suurto gal tahay in ay muddada intaas le’eg kala sii dheeraato, hoos dhaca dhaqaale ee ka aloosan dalalkooda dartii.

    Tusaale waxa aynu u soo qaadan karnaa hoos dhaca bulsho ee qaaradda Yurub saamaynaya in afar kasta oo lamaane ay dhalayaan laba ubad ah, labadaasina waxa ay sii dhalayaan qof kaliya, taasoo keeni karta in muddo qiyaas 60 sannadood ah ay tirada 4ta qof ah ay isku beddeli karto qof kaliya ama in ka yar. Si kale haddii aan u dhigo Malyanka carruurta ah ee Yurub u dhashay 2006, waxaa lagu wadaa in 2026 ay intaas ka yaraadaan amaba ay tiradaasi inyar ka bataan, halka dunida Muslimka ah Malyanka carruurta ah ee dhashay 20 sannadood kaddib laba jibbaar ay ku dhawaan karaan ama ka sii badan karaan.

    Hoos u dhacaas bulsho ee ka jira Yurub ayaa haddaba diinta Islaamku ay saamayntan ku leedahay dadka dhalanaya qaaraddaasi.

    Dalalka Yurub ayaa heerkooda dhalmadu ay maraysaa sidan:-

    Faransiiska 1.8/qoyskiiba

    Ingiriiska 1.6/qoyskiiba

    Giriig 1.3/qoyskiiba

    Jarmalka 1.3/qoyskiiba

    Talyaaniga 1.2/qoyskiiba

    Isbayn 1.1/qoyskiiba

    Dalalka midowga reer Yurub ee ka kooban 31-ka dal ayaa heerka dhalmadooda lagu jaangooyaa 1.38, warbixin la sameeyeyna waxa ay farmuuqaysaa in aanay suurtogal ahayn in halka dalalkani ay maanta joogaan ay dib uga noqdaan, oo ay higsadaan tirooyinkii hore ee dadkooda ee hoos dhaca wayn uu ku haleeley. Waxana si caalamiyan ah loo aaminsanyahay marka ummad meel ku dhaqnayd ay nabaad guurayaan in dhaqankoodii iyo diintoodiina ay suulayaan.

    Faransiiska 30% dhalinyarada u dhexeeya 15 illaa 20-jirradu waa Muslimiin, saddexda magaalo ee waawayn ee dalkaas ee Baariis, Marseel, iyo Niis, tiradani waxa ay gaadhay 45%, taasoo ka dhigan in ku dhawaad kala badh dhalinta u dhexeeya 15-20 ee magaalooyinkaas ay Muslimiin yihiin. Sannadka 2027 waxaa la saadaalinayaa in mid ka mid ah 5 qof oo kasta oo Faransiis ah uu Muslim ahaan doono, marka la eego heerka koboca Islaamka ee dalkaasi, waxana 40 sano gudahoodna dalkaasi uu noqon karaa dowlad Islaam ah, ama dal dadka masiixiyiinta ah lagaga tiro badan yahay.

    Dalka Ingiriiska 30-ka sannadood ee soo aaddan Islaannimada ayaa 30 jibbaar ku kor u kici doonta, waxana lagu wadaa in ay gaadho illaa 2.5 Milyan, inta badanna dadkaasi waxaa lagu wadaa in ay ahaan doonaan dad ka baxay Masiixiyadda oo ku biiray Islaamka.

    Dalka Holland 15 sano gudahood waxaa suurtogal ah in kala badh dadka dalkaasi ay noqdaan Muslimiin, xilligan carruurta waddankaas lagu dhalo kala badh waxaa dhala waalidiin Muslimiin ah.

    Ruushka 23 Milyan oo qof ayaa Muslimiin ah, waxana ay ka dhigantahay in mid ka mid ah 5 qof kasta oo dadka waddankaas ah uu Muslim yahay, waxaa la saadaalinayaa in mustaqbalka ciidamada waddankaas saddex meelood meel ay ahaan doonaan dad muslimiin ah.

    Biljamka 25% dadka ku dhaqan waa Muslimiin, kala badh carruurta dalkaas lagu dhalana waxaa dhala waalidiin Muslimiin ah. Dowladda Biljam ayaa sheegtay in sannadka 2015 saddex kasta oo carruur ah oo qaaradda Yurub ku dhasha mid ka mid ah ay waalidiin Muslimiin ah dhali doonaan.

    Dowladda Jarmalka ayaa si cad u sheegtay inay ka walaacsantahay in sannadka 2050-ka dalkeedu uu waddanka Islaam ah noqdo, marka la eego xawaaraha dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi ku badanaya.

    Markii ugu horraysay ayay Kiniisadda Kathooligga ee Masiixiyaddu sheegtay walaaca ay ka qabaan in Muslimkii uu ka saramarayo dhinaca tirada dadka, gaar ahaanna dalalka reer Yurub. Baadari la yidhaahdo Mansinio Vemanti waraysi uu wargays Talyaaniga ka soo baxa siiyay sannado yar kahor waxa uu ku sheegey in xawaare lagu dhaafayay tirada dadka Kirishtanka ah, kuwaasoo uu ku sheegey 17.4%, halka uu Muslimiintana ku tilmaamay 19.2%.

    Walaaca dalalka Yurub ka haya tirada bulshadooda oo yaraanaysa, iyo Muslimiinta dalalkaas oo badanaya ayaa ay barbar socotaa dhaqaale burburka dunida Masiixiga hadheeyey.

    Saxaafad badan oo u adeegta Masiixiyiinta iyo dad badan oo diintaas haysta ayaa xilligan door bidaya in dadka faraha badan ee galaya diinta Islaamka ay ku hor istaagaan dacaayado, sida in muslimiinta iyo diintoodaba lagu tilmaamo argagixisonimo.

    FG: Warbixintan waa aragtida qoraalka Adam Shardi Ahmed oo ah wariye madax bannaan, oo daraaseeya arrimaha Islaamka iyo siyaasadaha carabaha iyo Afircaba.

    Facebook: ashardi1

    Skype: adam.shardi

    Email: adamshardi@yahoo.com

    Leave a Reply