Mareykanka: Hoggaanka liita ee Xasan Sheekh ayaa halis ku ah DF Somalia

Mareykanka: Hoggaanka liita ee Xasan Sheekh ayaa halis ku ah DF Somalia

46
0
SHARE

Sarkaal sare oo  Mareykan ah, ayaa dhaliiley dowladda Somalia ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kana digay weeraro cusub oo Al-Shabaab ay qorsheeneyso inay ka fuliso Kenya.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa qorsheeneysa weeraro hor leh oo ay ka fuliso gudaha Kenya, waxaa sidaas ka digay madax hay’adda sirdoonka qaranka Mareykanka.

James Clapper, ayaa u sheegay guddiga sirdoonka ee Senate-ka Mareykanka in ammaanka iyo dadaallada looga hortagayo argagixasada ee Kenya, si aad ah loo adkeeyey.

“Si kastaba” ayuu yiri “Dalalka Bariga Africa way ku dhibtoon doonaan inay ilaaliyaan bartilmaameedyada kala duwan, oo ay Al-Shabab beegsaneyso”.

Shabab, waxa ay sidoo kale weeraro ka fulin kartaa dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda, oo dhammaantood ay ciidamo ka joogaan Somalia, ayuu ka digay Mr. Clapper.

Clapper, ayaa dhinaca kale si taxaddar leh qiimeyn ugu sameeyey dowlada Somalia, isaga dhaliilay madaxweyne Xasan Sheekh iyo sida uu dalka u hoggaaminayo.

“Aaminaadda iyo wax ku oolnimada dowladda curdunka ah ee Somalia, ayaa waxaa halis dheeri kusii ah ah khilaaf siyaasadeed dhexdeeda ah, hogaanka liita ee madaxweyne Xasan Sheekh, hay’adaha aan sida waanaagsan u diyaarsaneyn ee dowladda iyo tasiilaadka iyo maamul yarida” ayuu yiri Clapper.

Hadalka Clapper iyo qiimeyntiisa ku aaddan dowladda Somalia, ayaa saameyn weyn leh, waxaana ay noqon kartaa astaan muujineysa fikirka reer galbeedka ay ka heystaan dowladda

Leave a Reply