Mas’uuliyiin Booqanaya Deegaanka Bariire ee gobalka Sh/hoose.

    24
    0
    SHARE

    Xilli Mashaqo aad u xanuun badan dhawaan ay ka dhacday Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii Ciidamo kawada Tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dul dagaalameen Dad Rakaab ah oo saarnaa Gaari nuuca dadweynaha qaada ayaa halkaasi waxaa gaaray Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

    Sida ay  xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Deegaanka Ujeedka Booqashada Masuuliyiintaan ayaa ah sidii ay u qaadi lahaayeen Jid gooyo taalla Deegaankaasi iyo in ay u kuur galaan xaaladaha dhibaato ee halkaasi ka jira.

    Inkastoo Deegaanku uu la qabo dhibaatada Isbaarooyinka deegaanada kale ee Gobolka ayaa hadana dhawaan waxaa ka dhacay Mashaqadii ugu darned oo illaa 11 qof oo Rayid iyo Ciidan isugu jira ay ku dhinteen.

    Xaaladda Amni ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa iyadu muddooyinkii dambe aheyd mid aan Caga badan ku taagneen kadib Isbaarooyin sida Tusbax go’ay oo kale la soo daadiyay qeybaha Gobolku uu ka kooban yahay.

    Leave a Reply