Maxaa ka Jira In Magaalada Addis Ababa oo lagu wareejinayo kililka Oromada?

Maxaa ka Jira In Magaalada Addis Ababa oo lagu wareejinayo kililka Oromada?

106
0
SHARE

Waxaa bilihii udambeeyay socday dood ku saabsanayd lahaanshaha magaalada madaxda dalka Ethiopia ee Addis Ababa ahna xarunta ururka Midowga Afrika.Kililka Oromada ayaa qoraal rasmi ah ku codsaday in lagu soo wareejiyo maamulka magaalada Addis Ababa maadaama Addis Ababa ay tahay magaalo Oromo kuna taalo badhtamaha deegaanka Oromiya.Codsigii kililka Oromada waxaa la horgeeyay ururka haya talada dalka ee EPRDF oo afarta urur ee xubnaha ka ah ay ku leeyihiin xubno isla eg.Qoraalkii wuu kasoo gudbay ururka EPRDF wuxuuna ugudbay golaha wasiirada ee xukumada federaalka Itoobiya kuwaas oo dood dheer kadib diyaariyay soo jeedin ku aadan codsiga horyaala.Golaha wasiiradu way aqbaleen codsigii kililka Oromoada waxayna diyaariyeen soo jeedin ku aadan qadiyada oo ay tahay in loo gudbiyo baarlamaanka Itoobiya si uu uga doodo kadibna uga gaadho go’aan kama dambays ah.Warbaahinta Dhanaan Media waxaa usuurta gashay inay hesho nuxurka ku xusan soo jeedinta golaha wasiirada ee loo gudbin doono golaha baarlamaanka.

Qorshaha Addis Ababa loogu wareejinayo kililka Oromada iyo  qodobada uu ka kooban yahay 

Maamulka magaalada Addis Ababa waa inuu fududeeyaa hubiyaana in  iskuulada waxbarashada aasaasiga ah loo dhiso dadka deegaanka(Oromoda) ee doonaya in caruurtooda  wax lagu baro afkooda hooyo.

Magaalada Addis Ababa oo lahaan doonta laba magac Addis Ababa iyo Finfine oo ah magacii hore ee la odhan jiray .

Addis Ababa ama Finfine  waa xarunta maamulka kililka Oromada.Adeega caafimaadku wuxuu muhiimad gooni ah siin doonaa dadka deegaanka ee ku nool agagaarka caasimada.

Luqada Oromada iyo Amxaariga waa afka rasmiga ah ee maamulka magaalada Addis Ababa.

Hadii loo baahdo jidadka,jardiinooyinka,tuulooyinka asal ahaan Oromadu lahayd magacyo Oromo ayaa loo bixin doonaa

Maamulka magaalada Addis Ababa wuxuu sahli doonaa qorshihii lagu dhisi lahaa xarumo hido iyo dhaqan,tiyaataro iyo xarumo dalxiis kuwaas oo ku qotoma taariikhda iyo hidaha iyo dhaqanka shacabka Oromiya

Qorshahan waxaa kamid ah ka faaideysiga dhulka,Biyaha,qashinka qaadka magaalada,adeega gaadiidka,guryaha dadweynaha,xarumaha ganacsiga iyo in si waafi ah oo ku haboon loogu magdhabo dibna loogu dejiyo beeralayda dhulkooda dowladu la wareegto si mashaariic horumarineed looga fuliyo.

In dowladu hadii ay damacdo in dhismo ay ka dhisto Addis Ababa  ay dhulka ku qaadan doonto lacag la’aan.Dowlada hoose ee Addis Ababa waxay suuqyo udhisi doontaa beeralayda kunool nawaaxiga Addis Ababa.

Waxaa la howlgelin doona xafiis ka shaqeyn doona maareynta barnaamijyada dib udejinta iyo magdhowga beeraleyda dhulkoodu dowladu la wareegto.

Kililka Oromadu wuxuu xaq uleeyahay  in dowladu magdhow kasiiso dhibaatada ka timaada qashin qubka dowladu ku sameyso deegaanada iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Addis Ababa.

Xarumo lagu maareeyo qashinka oo laga dhiso doono meelaha maamulka magaalada Addis Ababa uu cayimi doono.

Waxaa la dhisi doonaa gudi wadajir ah oo ka koobnaan doona maamulka magaalada Addis Ababa iyo kililka Oromiya oo maareeya arimaha magdhowga iyo dib udejinta beeralayda dhulkooda dowladu ubaahato.Gudigan wuxuu ka koobnaan doonaa tiro isla eg oo labada dhinac ah wuxuuna si toos ah uhoostagi doonaa dowlada dhexe.

Waxaa xusid mudan in soo jeedinta golaha wasiirada Ethiopia ay ku saleysantahay wax loo yaqaano (give and take).Nuxururku waxaa weeye kililka Oromiya xuquuq dheerad ah ayuu helay balse waxaa muuqata in qorshahan uu fududayn doono in dowlada dhexe fuliso  qorshihii balaadhinta magaalada Addis Ababa oo hada kahor banaanbaxyo balaadhan ka dhasheen kadibna dowladu laashay.

Haday War Bixintan Run Noqoto oo Magaalada Addis ababa lagu Daro Kililka Oromada reer Sitti maxaa uga qorshaysan in ay Caasimaddi Gobolka Sitti ee Dire-dhaba soo ceshadaan??

Leave a Reply