Maxaa Tobanka ugu Dambeeya laga Wadaa?

    7
    0
    SHARE

    Sida sharruuxda iyo hadallada culumada laga fahmayo waxaad mooddaa in Ramadaanka loo qaybiyey seddex tobnaad. Mid hore, mid dhexe iyo kan ugu dambeeya. Waxaa jira xaddiis saxiix ah oo oranaya inuu Nabigu (SCW) Leylatul Qadarka ka raadshay 10-ka hore; haddana 10-ka dhexe markii dambana uu ka dhigtay 10-ka ugu dambeeya. Waxaad mooddaa in aan toban tobankaas laga wadin 10 habayn maaddaama ay bishu ku dhammaan karto 29 cisho. Marka hadday culumadu si cad u dhahaan 10-ka ugu dambeeya waxaa laga wadaa, laga bilaabo habaynka 21-naad ilaa dhammaadka bisha iyadoon loo eegayn inay ku dhammaato 29 ama 30 cisho waa wax la fahmi karo.

    Yaa Amray in Nabigu (SCW) Habeynkaas ka raadsho 10-ka Hore iyo kan Dhexe?

    Ilaah baa xaqiiqda og laakiin sida la fahmi karo waxaad mooddaa inuu Nabigu (SCW) isagu ijtihaaday sidii arrintii dadkii lagu qabtay dagaalkii Badar oo kale laakiin markii dambe loo sheegay inuu ka raadsho tobanka dambe sida uu Nabigu (SCW) noo sheegayba. Markuu Nabigu (SCW) sheegayey inay bishu ku dhammaan karto 29 ama 30 cisho wuxuu isticmaalay gacmihiisa isagoo seddexdii jeer isa saaray si markiiba ay u noqdaan 10 ilaa markii uu ka hadlayey tan 29-ka ku dhammaata uu suul qariyey. Marka arrintani daliil ma u noqon kartaa in toban tobanka laga wado in bisha seddex qeybood oo mid kasta toban ah tahay ee aysan khasab ahayn in tobanka ugu dambeeya uu toban noqdo?

    Waqtigan Xaadirkaa mala Ogaankaraa Tirada maalmaha Bisha Dhalataa ku dhammaankarto Iyadoon Dhammaan?

    Ilaah baa mahad lehe waxaa iska cad in waqtigaan xaadirka ah la yaqaan magaalo kasta goorta ay qorraxdu ka dhacdo ama u soo baxdo sanadka oo dhan. Waxaa iska cad in la sii saadaaliyo goorta bishu bilanayso. Arrinta bisha ma hubo in la isugu halayn karo sida qorraxda oo kale laakiin waxaa cad in la sii saadaaliyo dayax-madoobaadka. Marka waxaan aamminsanahay haddii dunida muslimku xoog iska saaraan in arrintaas laga meel gaari karo.

    Tobanka ugu Dambeeya ee Ramadaan ma 21-ka Ramadaan baa laga Bilaabaa Iyadoon loo Eegin Caddadka ay Bishu ku Dhammaanayso?

    Sida muuqata, dadka badankoodu waxay tobanka habeyn ee ugu dambeeye ee Ramadaan tirsigeeda bilaabaan habaynka 21-naad. Marar badanna, haddaysanba inta badan ahayn waxaan 9 beri ahayn ma helnno ilayn bishaa 29 ku dhammaan kartee. Sida Axaadiis saxiixa oo labada sheekhba warsheen ku sugun, Nabigu (SCW) wuxuu leeyahay ka fiiriya habaynada 9-aad, 7-aad, iyo 5-naad. Tirsigaan haddaan ka dhignno iyadoo tobanka habayn; dhammaadka laga soo bilaabay ama lagu sameeyey waxa loo yaqaan “count down” waxaa dhici karta in khilaaf ku yimaado marka bishu ku dhammaanayso 29 iyo 30-ka; waa haddii tobanka ugu dambeeya tirintooda laga bilaabo habaynka 21-naad ee Soon-qaad.

    Leave a Reply