Maxay Tahay Sababta Ay Al.shabab U Siidaayeen Saraakiishii Kenya(Aqri Sababta)

    16
    0
    SHARE

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya ayaa sheegaya in sii deesmada Saraakiil Kenyaan oo gacanta ugu jiray Al Shabaab ay ay ku timid wada hadal dhexmaray dowladda Kenya iyo Al Shabaab.

    Al Shabaab ayaa horay sharuud ugu xiray sii deesmada labada Sarkaal Yesse Mulle iyo  Fredrick  Wainaina taasi oo ahayd in Kenya hadii ay dooneyso nolasha ragaani ay sii deyso maxaabiista mulimiinta ee u xiran.

    Qeyb ka mid ah sharuudahaasi oo aan la xusin ayey fulisay Kenya laga soo xigtay Shabakadaha Shabaab oo sii xiganaya Saraakiishooda Warfaafinta.

    Al Shabaab ayaa sheegay in wali ay gacanta ugu jiraan qaar ka mid ah maxaabiista Kenya oo meelo kala duwan oo dalka Kenya ah laga soo afduubay.

    Al Shabaab ayaa dilay Sarkaal sare Jonathan Kangogo oo lala qabtay raga lasii daayay kadib markii Kenya ay ka dhaga adeegtay inay Shabaab kala xaajooto codsigooda ah in lasii daayo qaar ka mid ah maxaabiista Muslimiinta ee u xiran si Saraakiishooda loogu wareejiyo.

    Dowladda Kenya waxa ay ku gaabsatay in sii deesmada muwaadiniinteeda ay ku timid wada hadal lakiin ma aysan qeexin in ay u fulisay rabitaankoodii ahaa hadiiba ragaan noloshooda la doonayo in lasii daayo maxaabiista Kenya u xiran.

    Yesse Mulle iyo  Fredrick  ayaa markoodii hore laga soo qafaashay deegaanka Soomaalida ee NFD oo hada ay maamusho Kenya.

    Al Shabaab dadka gacanta ugu jiro waxaa ka mid ah Labo Sarkaal oo Boolis ah kuwaas oo dhawaan ay kuoo qabteen Weerar ay ku qaadeen Deegaanka Dhamajaaleey ee ka tirsan NFD Kenya.

    Leave a Reply