Sunday, September 24th, 2017

MID KA MID AH MAAMULADA SOOMAALIDA OO KU BAAQAY IN LOO HIILIYO MUSLIMIINTA ROHINGYA.

Published on September 10, 2017 by   ·   No Comments

War-saxaafadeed uu soo saaray madaxwaynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin qaabka bina’aadanimada ka baxsan ee ciidamada ammaanka ee xukuumada Myanmar ay ula dhaqmayaan bulshada Rohingya.

 

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay dowlada Myanmar in ay joojiso rabshadaha arxan darada ah iyo isir sifeynta lagula kacay dadka rayidka ah islamarkana loo ogolaado in kaalmada bina’aadanimo ay gaarto dadka u baahan.

 

Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo)ayaa ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan qaramada midoobe in ay qaadaan tillaabo lagu joojinayo ololaha xasuuqa ee ka dhanka ah dadka Rohingya ee ku nool Myanmar.

 

Hadalka Madaxwayne Siilanyo ayaa ku soo beegmaya xilli kumanaan qof ay ka qaxayaan dalka Myanmar,

Waxaana aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaareen illaa 270,000 qof.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK