Mootooyinka oo Laga mamnuucay magaalada Sanca Ee Caasimadda Dalka Yemen ! (Maxay tahay Sababta?).

    23
    0
    SHARE

    Dadka Mootooyinka ku shaqeysta ee ku nool magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen ayaa cabasho ka muujiyay xayiraad ay Dowladda kusoo rogtay mootooyinka, iyadoo ay ku andacooneysa mootooyinka loo adeegsado fulinta falalka ka dhananka ah amniga ee ka dhaca magaalada Caasimadda.

    Muxamed Caadil Xanbalah waa nin dhallinyaro ah waxaana uu ku noolyahay magaalada Sanca, isagoo ku shaqeysta Mooto uu leeyahay, taas oo uu ku biilo qoys todobo ruux ka kooban oo isagu u weynyahay, waxaa sidoo kale Hooyadiis iyo Aabihiis, kuwaas oo iyaguna ku nool lacagaha yar uu Muxamed uu Mootada kasoo shaqeeyo.

    Muxamed waxa uu waxbarashada ka tagay markii uu dhameeyay dugsiga sare, waxaana taas u sabab ah dakhli yar ee reerka soo gala, iyadoo ay ku qasab ku noqotay in isaguna uu abuuro shaqo uu reerka ku caawin karo. isagoo la hadlayay barta Aljazeera.Net ayaa waxa uu yiri : ” Kharashka Mootadan aan ka helo waxa uu muhiim u yahay qoyskiina, mana ka kaaftoomi karno, dowladduna waxay noo diidantahay inaan mootooyinka ku shaqeysano annaguna ma heysano badal kale”.

    Wuxuu sii raaciyay : ” Annagu waxaan ku qasbannahay inaan amarka dowladda jebino oo aan mootooyinka kusii shaqeysano, Allena waxaan ilbiriqsi kasta ka baryaa inaysan Booliisku i qabin, maxaa yeelay waxay horey usii qaataan Mootooyinka amarka jebiya”.

    Inkastoo bartamihii bishii December ee sanadkii hore ay Dowladdu joojisay in Mootooyinka lagu isticmaalo waddooyinka magaalada Caasimadda ah ee Sancaa si looga hortago dilalka qorsheysan ee kooxaha hubeysan ay Mootooyinka u adeegsadaan ayaa haddana waxaa jira dad fara badan oo weli qaab dhuumaaleysi ah Mootooyinka ugu shaqeysta Jidadka dhexmara Xaafadaha iyo meelaha ciriiriga ah, si ay nolashooda u maareeyaan.

    Dadka sida dhuumaaleysiga Mootooyinka ugu shaqeysta ujeedkooda ma ahan inay Sharciga khilaafaan ee baahida dhaqaale ee ay qabaan ayaa keentay inay baal maraan awaamiirta Dowladda.

    Go;aanka ku aadan mamnuucista Mootooyinka inkastoo laga dareemay ammaanka magaalada caasimadda ah ee Sancaa, islamarkaana ay yaraadaan dilalkii Mootooyinka loo adeegsan jiray haddana dhinaca kale waxay saameyn kuyeelatay nolasha kumanaan qoysas sabool ah oo Nolashooda ay ku tiirsaneyd shaqada Mootooyinka.

    “Ma jecli shaqada Mootada, Laakiin waxaan ku qasbanahay, haddii Dowladdu isiineyso meel kale oo aan kharash ka helaayo, waxaan si dhaqsi ah diyaar ugu yahay inaan iska dhaafo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muxamed Caadil Xanbalah.

    Leave a Reply