Mursi Iyo Hoggaamiyeyaal Kamida Ikhwaanka Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagayo.

Mursi Iyo Hoggaamiyeyaal Kamida Ikhwaanka Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagayo.

36
0
SHARE

Diyaarad nuuca elecopter-ska oo siday madaxweynihii xukunka looga tuuray afgembiga ee Masar Maxamed Mursi ayaa goor dhaweyd gaartay dhismaha maxkamadda magaalada Alqaahira.

Mursi iyo 130 ruux kale oo ay u badan kooxdiisa Ikhwaanka ayaana lagu wadaa in la maxkamadeeyo.

Eedeymaha lagu heysto waxaa kamid ah xoog ku gal xabsi, oo ay sameeyeen kooxda Ikhwaanka billowgii kacdoonkii 25 Janaayo.

Ciidamo fara badan oo kuwa millateriga iyo booliska ayaa lagu soo daadiyay magaalada dhinacyadeeda kala duwan, waxaana intooda ugu badan ay illaalo ka hayaan dhimsha maxkamada oo laga yaabo iney xoog kusoo galaan taageerayaasha Mursi.

Gaadiidka dagaalka ciidanka ayaa hortaagan boqolaal qof oo taageerayaal ah, dadka lala soo taagayo maxkamadda Mursi waxaa kamid ah hoggaan sarre oo kamida Ikhwaanka sida madixii guud ee Ikhawaanka Maxamed Albadiic, Maxamed Sacad Alkataatini Sacad Alxuseyni iyo Maxamuud Cizat Maxmed Baltaaji, Safwat Xijaazi Cisaam Caryaan oo dhammaantood wada ah dadka ugu muuqmuuqda kooxda.

Kooxaha gorfeeya arrimaha siyaasadda Masar ayaa walaac ka muujinaya maxkamadeynta raggani.

Jamaacada Ikhwaanka ayaan aqoonsaneyn maxkamadda lasoo taagay, waxaana Mursi uu wali isku arkaa inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalkaasi uu leeyahay.

Rabshado ayaa laga yaabaa iney bilaabaan taageerayaasha Mursi, iyadoo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dalkaasi siyaabo kala duwan loogu dilay tiro ka badan 100 qof oo taageerayaasha Ikhwaanka.

 

Leave a Reply