Sunday, September 24th, 2017

MUSTAF DHUXULOW” XILDHIBAANADA WASIIRADA AHAAN JIRAY CIRBAD DULQAAD HA IS DURAAN”.

Published on September 14, 2017 by   ·   No Comments

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Xildhibaano ku mashquulsan mucaaradnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ku kuciyaan dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Mustaf Dhuxulow oo shalay hadal ka jeediyay xarunta golaha Shacabka ayaa uga digay Xildhibaanada qaar in ay ku mashquulaan duminta dowlada jirta iyo sidii ay bulshada Soomaaliyeed ugu jahwareerin lahaayeen wax aan jirin.

 

”Waxaan ka digayaa in Siyaasada looga faa’iideesto in Shaqsiyaad la bartilmaameedsado ama la isku dayo khalad kasta oo dhaca in shacabka lagu marin habaabiyo ,Khalad waa dhici karaa in la saxo ayaa loo baahan yahay , dadka dacaayada abaabulaya kama shaqeenayaan in khalad la saxo balse wax ay rabaan in shacabka kacshaan oo dowlada la dumiyo” Ayuu yiri Xildhibaan Mustaf.

 

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa si gaar ah uga digay Xildhibaanadii Wasiirada kasoo noqday Dowladii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh , waxa uuna kula taliyay in ay dulqaataan ayna bartaan sida loo joogo Wasiir la’aan sida iyaguba u barteen.

 

”Waxaan si gaar ah ula hadlayaa Xildhibaanada hada Baarlamaanka ku jira ee afartii sano ee lasoo dhaafay Wasiirada kasoo ahaa dalka ee lix bilood dulqaadan la’ ,waxaa la rabaa in aad dulqaadataan ‘ anaga sadex sano ayaan dul qaadanay Cirbad ayaan isku durnay sida Wasiir la’aanta loo joogo waan baranay adinka barta oo is dura Cirbada dulqaadka ,Ayuu yiri Dhuxulow.

 

Hadalka Xildhibaanka jeediyay ayaa kusoo aadaya Xili ay jiraan Xildhibaano Wasiiro kasoo ahaa Dowladihii ugu dambeeyay ee dalka ay hada ku mashquulsan yihiin mucaardanimo, kadib markii ay waayeen kuraastii ay u barteen.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK