Ninka Alshabaab u qaabilsanaa Hubka oo gacanta lagu dhigay

Ninka Alshabaab u qaabilsanaa Hubka oo gacanta lagu dhigay

52
0
SHARE

Sida ay wararka naga soo gaaraya Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ay sheegayaan Ciiddamadda Ammaanka Degmadaasi ayaa gacanta ku dhigay Sargaal Alqaacidada Somalia ee Alshabaab u qaabilsanaa keydadka Hubka noocyadooda kala duwan.

Sargaalka la qabtay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Osman Tuure, iyadoona ay wararku tibaaxayaan in Sargaalkaasi la qabtay xilli uu saarnaa gaari nooca raaxadda oo waday hub culus gaar ahaan kuwa lagu fuliyo qaraxyada iyo hoobiyayaal.

Aar Sheekh Cali oo ah Taliyaha Saldhiga, ayaa warbaahinta u sheegay in Sargaalkaani ay baadi goobayeen muddo dheer balse ay Ciidamadda dadaal dheer kadib gacanta kusoo dhigeen xilli uu waday Hub.

Aar Sheekh Cali, ayaa sidoo kale Tilmaamay inay u harsan yihiin Saraakiil kale oo ka tirsan Kooxda oo uu sheegay inay inta badan Magaalladda ka fuliyaan falal amni daro ah.

Dhanka kale, Sheekh Cusmaan Tuure, ayaa la sheegay inuu kamid yahay dadka deegaanka isla markaana laga filaneynin inuu kamid yahay Kooxda Alshabaab, waxaana lagu soo waramayaa in iminka Sargaalka Gaariga iyo hubkii uu wadayba ku jiraan Saldhiga Booliska Degmada Afmadow.

Leave a Reply