Noloshu waa jaceyl Jaceylkuna waa Nolol !

Noloshu waa jaceyl Jaceylkuna waa Nolol !

36
0
SHARE

Qiso layaab leh oo aad intan oga boggan doontaan haddii Eebbe idmo,Waxaanan ugu

talo galay keliya Dadka Xiiseeya arrimaha Jacaylka,

SheekadanJaceyl waa jaceyl, qaraar iyo macaan sida uu kuu helaba waa nasiibkaaga. Balsa

waligaa ogaaw JACEYL macaan iyo qaraar labada waa inuu la haado.

JACEYL aan labada is jecel u wada ooyin, oo u ilmeeynin inbadan, ma noqdo mid

macaan iyo dhadhan lo aayo mustaqbalka yeesho hadii aan si kale u dhaho, in aad markasta wax macaan uun cuntid waad iska nacee, oo waxyaabo kala bedelan ayaad u baahantahay, waa dabeeciga bani aadamka oo laga yaabanyahay taasna. Balsa waxaa dhab ah in qofka aan waligiis murugo arkin uusan

waxba ka aqoonin farxad, maxaa yeelay ma aqoonsan kartid waxa aad heeysatid adiga

oo aysan kugu dhicin, ama ku qabsanin wax ka duwan waxa aad caadi ahaan la kortay, ama cagsiga nolosha

aad horay ugu noolaal jirtay, tusaala ahaan hadii aad markasta qofta aad

jeceshahay aad waxwalba heshiis ku tihiin, waxaa muhiim ah in aad mar uun is

qilaaftaan si aad markaad heshiisiin micnahiisa u ogaatid xaqiiqo ahaan.

Waa su’aal biliaadanka ku soo noqnoqota inbadan, markuu qof walba wax uun iska

dareemo ama iftiin caashaq u soo ifo, is weeydiiyo. Maxaa marka hore loogu

jeesjeesaa dadka jaceylku gacanta ku haayo?

Maxaa inbadan oo naga mid ah u beenshaan in jaceyl jiroäba? Waa yaab, soo maahan

aqli yaro iyo damiir la’aan in aan dadka wax jecel markeena hore ku qosolna,

qaarkeen dad waalan ama maskaxdii isku dardarsantay u arkaan kadibna markii

maalinkeena la soo gaaro ay calaacal, iyo ma maleeyneeynin meelaha la wareegno, lana ooyno, jaceylka iyo shoogka weeyninka badan uu nolosheena sida lama filaanka ah ugu soo biiray??!! Inta aadna

is warsanin waxa jaceyl yahay, suaalaha aan kor ku soo xusay is weeydii!!

 

 

Nasiib wanaag in badan oo ka mid ah dad waxeey aaminsan yihiin amaba ku qanacsan

yihiin inuu jaceyl yahay laba qafood ama lamaano jaceyl iyo gacaltooyo aan inta

isku heeynin isla wadaagay, ruuxba ruuxa kale noloshiisa ku qanacsan tahay, oo uu

hayo hami joogta, farxad ka qaado aragiisa/maqalkiisa, dareen xad dhaaf ah iyo fir-fircooni hor leh

uu dareemo markuu qofkaas arko, islana wadagaan bogta xanuuneyso ee ku wada taala

una baahan dhayida iyo daawada aan dhaqtar heeysanin.

 

 

Qof wax jecel waa qof aan dhihi karno ma qabo indhu uu war ku arko, aqlina

warkiisa iska dhaaf, waxaan dhihi karaa qofka wax jecel aqligiisa iyo qalbigiisa

waxaa koreeya QALBIGIISA, taas uu u saamaxi doonin inuu si sax ah u fekero, ama

arko xumaanto ama xanta dadka kale ka arkaan qofkiisa/laamahiisa uu jecelyahay.

 

 

Qofka aad dhabta u jeceshay waxaad u noqonee janno, asna Illaah naar kaagama

dhige, waa kaa darnaanaa ama waa kula mid. Daacad, eray macaan iyo wada hadal aad

aqligiisa/aqligeed la hadleyso ayaadna isbari doontaa hadii aadna horay u aqoonin

markii aad soo rugtid bagga CAASHAQA, naftaada qof ka qaalisan ay gacantaada soo

gasho, ilaa aad iska dhaadhacsiisid in qofkaan  dhimanaayo hadii aad ka tagtid, ama aad adiga dhimaneysid hadii aad ka dheeraatid baahida aad u qabtid asiga/ayada darteed. Sidaas darteedna ayaad u ilaalisid sida

caruurta, dhalada, ama ukun madaxaaga saaran oo kaa dhici rabto qofkaas naftaasa

ka qaaalisan oo aad waxwalba u hurtay!.

 

 

 

 

Inta wax jeclaatay iyo kuwa wadda loogu soo jiraba mid ayaa isku raacay taaso ah

in qofka la jacel uu yahay qofka ugu qaalisanbiliaadanka, dunida aad u jeedid iyo

inta nuuxsata. Maxaayeelay nafsada wax jecel waxaa mar walba ka qaalisa nafta ay

jeceshahay. Markaad arageeda/maqalkeeda waaydana ay kugu abuurmayso murugo, cabsi,

tabar dari, wel-wel, walbahaar, hurdo la’aan iyo caajis hor leh, mana arki doontid

waxaas oo astaama jireed iyo mid maskaxeedba leh xaalad kale oo kugu abuuri

kartid, ama aad sidaas oo kale ula murugoon kartid.

 

 

 

Midka uu jaceyl rabo inuu ka qaado daaha saaran qalbigiisa cusub wiil iyo gabar,

waxeey markasta ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu u dhaafaa ama u

dhigaaliyaa ruuxaa u jeclyahay.

 

 

 

Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad caashaq, oo uu

weligiis hilmaami doonin, iyo sawirka qofka uu jeclaaday oo qalbiga ku sawirma.

Wiilkaas iyo gabadhaas waxeey go’aan ku gaaraan ayeey ku wada shaqeeyaan, sharci

ayaga u gooni iyo xeerar aan laga gudbi karin ayeey buuga caashaq ku wada qortaan

iyagoo kalsooni buuxda isku qaba,

 

 

waxa ay wax u sameeynaa uu yahay jaceylkooda iyo qalbiyadooda ay la jeclaan

lahaayeen in ay mid yihiin ama kala bedeshaan si qofkasta kiisa u ilaashado.

Waxeey ka tashadaan mustaqbalkooda dheer iyo noloshooda sida ay u midoobi

laheeyd. Maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa u dhasha maalin cusub,

oo waligood kalama dhergaan,

 

 

maalin iyo habeen, daqiiqad iyo saacad walbo hadii is ag dhafiyaan, ee la kala

wadi maago kuma jiro mid raali ku ah in ay kala tagaan!. Waxeyna mar walba is

xasuusiyaan jaceylkay isu qabaan inuu sii xoogeystay, uuna yeeshay, midib cusub,

kana macaan badanyahay kii shalay, weji cusub oo aan horay loogu aqoonin ayeeyna

 

 

qalbiyadooda ka wada arkaan ayagoo is tusaa, oo eray dareenkooda u bedelaa, iskuna

dhiirigelinaa in qof walba noqdo qof kale ceelka oo sirtiisa ku duugo, kuna aamino

oo inta kale kaga maarmo qofkaas dartiis! Niyada ayeey isku dhisaan, oo isku

qanciyaan in ay is yeelan doonaan, oo mar aan dheereeen ay is dhaxli doonaan.

 

 

 

 

 

Faa’iidooyin iyo qaasarooyin farahaas ka badan ayuu leeyahay jaceyl. Laakiin

waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa oo aad

dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, qalbigaaga wax cusub oo aadna

aqoonin sida aad eray ugu fasiri laheeyd ay kaa taabtaan, markaaad kaligaa tahayna

kula hadlaayaan, oo maskaxdaada buuxiyaan adigoonan isku fasari karin xataa, sida

in aad xabsi ugu jirtid wax aadna aqoonin,

 

 

dadkuna kula arkin hadi ay ku caawin lahaayeena! Taas oo

micnaheedu tahay xanuun cusub oo ku soo kordhay dareenkaaga iyo jirkaaga, iyo

shaqsiyadaadii hore oo la quursaday, ileen mid cusub oo aad ku qaabishid waxa kugu

soo socdo ayaad u baahantahee!!

 

 

 

 

Calaamooyinka jaceylka bilawga ah lagu yaqaano waxaa ka mid ah: Jirkoo ku jajaba,

oo aad xanuun iyo daal joogta ah ka dareentid, xataa hadii aadna maantay sariirta

ka kicin. Niyad xumi, xanaaq fudud oo waxwalba aadna u adkeysan karin, isnac,

kaliahaansho, dadka kale warkooda oo aad kahaarsatid, raashiinkood ka go’did, iyo

is daryeel la’aan jirka iyo maskaxdaadaba ah. Daawadaada waxaa haaya oo lagaa

rabaa in aad ka heshid kii/tii aad jeclaatay amaba aad codkiisa iyo aragiisa

maqashid/aragtid taasi waa qasaarada u leeyahay jaceyl, maxaayeelay qofkaan iyo

adiga daqiiqad walba islama qaadan kartaa oo adduun ayaa inku wada xiran,

qofwalbana teeda ayaa heeysata.

 

 

 

 

Hada iyo Talo si aad naftaada u badbaasid waa inaad iska yareysid feker joogta ah,

nafsadaana mashquul kaga dhigtaa waxyaabo kale, laakiin ka digtoonaaw, kana fogow

filimada jaceylka daawashooda. Maxaayeelay qofka wax jecel waa u hiyikacaa waxaana

ku saa’idaa dhadhanka boholyowga badan ka buuxo, oo soo wajahay

 

 

 

nolashiisa/nolosheeda. Maskaxdaada waxay u shaqeysaa si kale taaso ka dhex

guuxeeyso rajo xun iyo amaan darada la soo daristay shaqsiyadaada iyo qalbigaaga,

waa JACEYLE! Haddaba aan runta kuu sheego jaceylku waa wax aan sahleyn, oo aan

dhihi karo naftaada qaaliga ah ayuu kuu aqoonsan karaa. Qaas ahaan dhalinyarta

sida fudud u isticmaal, oo waxashnimo iyo fool xumado ka buuxda,

 

 

iyadoo wiil iyo gabar erayga jaceyl u isticmaala si yar, oo fududeysi saaida ah ka

muuqdo, ama isagoo/iyadoo doonaaya inuu dano gaar ah ku gaaro qofkaan/qoftaan uu

jaceylka ula kaca ugu abuuray, ama ula wado balsa uu ogyahay inuu jeclayn ama sii

jeclaan doonin. Digniin Ha ku dhihin naf aadan jaceyl u heynin waan ku jeclahay,

si aad niyada ugu dhisto ama aad kaga

 

badbaadid calaacalka iyo raja xumada qofkaas/qoftaan soo wajahi doona. Maxaayeelay

kor iyo hoosba maalin uunbaad RUNTA qaraar dhigaha kaga dilaacin doontaa qofkiiyoo

intaaan kaa jecel, kaaga rabitaan badan, kaaga kalsooni iyo rajo badan!.

Fadlan dadka u qaddari jaceylkooda iyo xanuunka la soo darso si aad adna markaaga

aadnan kaligaa u noqonin, oo laguu taageero hadii aad badbaado rabtid! ileen

NOLOSHU WAA JACEYL JACEYLKUNA WAA NOLOL!!!!

Leave a Reply