Friday, December 15th, 2017

QAAR KAMID AH DHAAWACYADII LOO QAADAY TURKIGA OO MAANTA MUQDISHO LAGU SOO CELINAYO (AKHRISO MAGACYADA).

Published on November 14, 2017 by   ·   No Comments

Waxaa maanta la filayaa in Diyaarada Turkish Airways in magaalada Muqdisho keento qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe oo lagu soo daweeyay dalka Turkiga.

 

Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga ayaa xalay soo sagootiyay 10-kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe oo kasoo bogsooday dhibaatadii soo gaartay, waxaana dadkaasi hada dib ugu soo laabanayaan Muqdisho.

 

Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Ehelada qaar kamid ah dhaawacyada bogsooday ee lasoo celinayo ayaa la filayaa in garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde in ay tagaan soona dhaweeyaan.

 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah e Soomaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa uga mahad celiyay dowlada Turkiga garabkii ay siisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe.

“Waxaan u mahadcelinayaa Turkiga oo dhaawacyadii darnaa ay 10 ka mid ah bogseedeen oo maanta ay ku soo laabanayaan dalkooda hooyo.” Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Dowlada Turkiga ayaa aheed dowladii ugu horeesay ee usoo gurmatay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay qaraxii Soobe, waxaana dalka Turkiga loo qaaday qaar kamid ah dadkii dhaawacyada culus ay soo gaareen.

Akhriso Magacyada Dhaawacyada Bogsooda ee lasoo celinayo

1.Ismaaciil Ibraahim Maxamed

2.Maxamed Ashkir Cawaale

3.C/salaam Cusmaan Saalax

4.Mahad Cabdi Sheekh

5.Maxamed Cali Wehliye

6.C/qaadir Maxamed Cabdulle

7.Istar Cali Maxamed

8.Mursal Sheekh Axmed

9.Cali Maxamuud Maxamed

10.Faaduma Xaaji Cali

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK